Eng Maxamed Xaashi oo Dhaliilo,Iyo Talooyin kala duwan u soo Jeediyay Madaxweyne Siilaanyo {DHAGAYSO}
Hargaysa 20.June (SDN) Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Sheegay in Madaxwaynaha Somaliland uu Maanta yahay Bilaa Ehel,isla markaana aanay Waxba u tarayn Sida uu Yidhi Xubnaha Qabiilka ah ee Ku Xeeran.
Waxa uu Eng Maxamed Xaashi Cilmi xusay in kuwii la soo halgamay ee nasteexa u ahaa uu aaminsan yahay M.weynuhu inay Yihiin Kuwa ugu daran ee aan Waxba la doonayn waxa uu Maxamed Xaashi intaas ku daray in Madaxweynaha uu ka dalbanayo inuu Xisaabtiisa dib ugu Noqdo isla markaana uu eego Waxyaabaha ka qaloocan Maamulkiisa iyo Meelaha u Baahan in Wax laga bedelo.
Eng Maxamed Xaashi Wasiirkii Hore ee Maaliyada ayaa hadalkan ka Jeediyay Madal ay Siyaasiyiin Somaliland ahi ku dalbanayeen in Xukuumadu Xayiraada ka qaado Wargayska Hubaal.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/M.Xaashi(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com