|

Ehlu Suna Wal Jameeca oo soo dhaweeyay Shirkii Culimada Somaliyeed Muqdisho Ugu soo Xidhmay

Guri Ceel 14.Sep 2013 (SDN)-Culumada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ayaa soo dhoweeyay go’aamadii ka soo baxay shir-weynihii qaran ee culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ay dhowaan ku yeesheen magaalada Muqdisho kaas oo ku saabsanaa ka hor-tagidda xagjirnimada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabisay shirka si wax looga qabto dhibaatada xagjirnimada.

Shirka-culumadaAfhayeenka golaha sare ee Ahlu sunna Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow  ayaa sheegay in xubnaha Ahlu Sunna ee ka qeyb-galay shirka ay kaalin firfircoon ka ciyaareen diyaarinta war-saxafaadeed ka soo baxay kulanka.

Soomow wuxuu tilmaamay in Ahlu Sunna ay taageersan tahay in caddaaladda la hor keeno qof walba oo ay ku caddaato inuu ku lug leeyahay kooxda al-Shabaab.

Guddoomiyaha Ahlu sunna ee gobolka Banaadir Sheekh Axmed Shuqul Sheekh Aadan ayaa sheegay in fatwada laga soo saaray shirka ee lagu dhaliilay al-Shabaab ay ahayd mid si qoto dheer ah loo lafa guray oo diinta Islaamka lagu saleeyay.

160 ka tirsan culumada Soomaaliya ayaa fatwada ku cambaareeyay al-Shabaab, iyagoo sheegay in kooxdu aysan raad ku lahayn diinta Islaamka.

Golaha sare ee Ahlu Sunna iyo xubnaha Ahlu Sunna ee gobolka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay aqbalaan natiijada shirka culumada ee ka hor-tagga xagjirnimada.

Guri Ceel SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed