|

Eedaysane Somali ah oo lala Xidhiidhiyay inuu Qayb ku lahaa Weerarkii Xaruntii West gate Moll ee Nairobi

Nairobi 18.October 2013 (SDN)- Saraakiisha Kenya iyo warbaahinta ayaa sheegaya in nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Norway, laguna magacaabo Xasan Cabdi Dhuxulow uu ka mid ahaa dhowr nin oo hubeysnaa oo ka qeybgalay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa Westgate ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof.

westSarkaal dhinaca amniga qaabilsan dalka Kenya ayaa wakaaladda wararka ee AP wuxuu u sheegay in afarta nin ee lagu arkay muuqaallo ay duubeen kaamarooyin ku dhex-yaalla suuqa Westgate uu ka mid yahay qof u magac eeg ninka Soomaaliga ah ee haysta dhalashada Norway.

Mas’uulliyiinta Kenya ayaa horey u sii daayay magacyada afar nin oo maleeshiyo ah oo ay sheegeen inay ka qeygaleen weerarkaasi, kuwaasoo Kenya ay sheegtay in dhammaantood lagu dilay weerarkaasi.

Nimankan hubeysanaa ayaa xoog ku galay suuqa Westgate ee magaalada Nairobi 21-kii bishii September, waxaana weerarkaasi oo socday muddo afar cisho ah ku dhintay dad aad u fara badan.


Ururka al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyagoo sheegay in weerarku uu ahaa mid ay kaga aargoosanayaan ciidamada dalka Kenya ee howlgalka u jooga Soomaaliya.
al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro dheeraad ah ka fulin doonto Kenya.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed