|

Eedaysanayaasha Dilalkii Deegaanka Seemaal iyo Buqdhada oo maxkamad la horkeenay iyo kiiska oo ku Janjeedhsaday Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan

 

SALDHIGHargeysa -27-ju;y-2013 (SDN)Waxa markii ugu horraysayy maxkamada la horkeenay, Maxamed Maxamuud Cawaale (cawar-xareed) iyo 4-qof ookale oo ku eedaysan dilal kala dambeeyey oo wakhti lhore ka dhacay deegaanka Buqdhada ee Galbeedka Gabiley, oo salka ku hayey khilaafka Ceel-berdaale.

 

Dacwaddan ayaa maxkamadda Milaterigu ka furtay maalintii khamiistii ee Bishu ahayd 25-july-2013-ka Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo maxkamdani ku leedahay xafiis dacwadaha lagu qaado marka loo baahdo.

Cawar-xareed oo loo haysto inuu ahaa Abaanduule Hogaaminayey kooxaha dilalkan loo aanaanaynayo inay geysteen, ayaa markii la horkeenay maxkamadda Ciidanka Militariga waxa uu cabasho weyn ka muujiyey sababta isagoo shacab ah maxkamadda ciidanka loo keenayee dacwaddiisa loogu qaadi waayey maxkamada Rayidka, waxana uu ku dheeraaday in haddii la doonayo in kiiskan la soo afjaro la geeyo halkii ku haboonayd oo ah maxkamad Rayid ah.

Cawar-xareed  ayaa halkaa ka sheegay inaaanu Isagu gacantiisa waxba ku dilin, cidda leh cawar wax buu dilayna maxkamadda horteeda kaga caddayso, waxana uu xusay inaanu dafiri Karin lugtii uu kiiskan ku lahaa.

Nin sheegtay inuu ka mid ahaa Rag lagga lagu laayey Deegaankaas oo ka Baxsaday intii aan la dilin oo markhaati ka ah Kiiskan  loo haysto Cawar-xareed, ayaa max mkamadda horteeda ka sheegay  In Cawar-xareed iyo koox uu wato oo uu ku jiro Qarxiye ay ka Af-duubeen jidka u dhexeeya kala-baydh iyo Dila wakhti Habeenimo ah oo ay u geeyeen Ciidan kale Oo Meel buur ah joogay, intaa ka dibna cawar-xareed ka soo noqday, islamarkaana ay ninkan Badbaaday u suuro gashay inuu meeshii ka baxsado.

Cawar-xareed ayaa Hadalka ninka markhaatiga ah ka marag kacay, waxana uu sheegay inay ku luglahaanshaha kiiskan ay ku dhiirrigeliyeen Niman masuuuliyiin ah oo ka tirsan xisbiga kulmiye  iyo Golaha wasiirada.

Ninkan Dacwaddu ku socoto ee Cawar-xareed, ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in lacag dhan $100,000(boqol kun oo doolar), loogu soo dhiibay masuul Golaha wasiirada ka tirsan gacantana uu uga  dhiibay Cawar-xareed, Raggaas oo imika wasiirro ahna Haddii la horkeeno uu ku caddaynayo kiiskaa ay lugta ku lahaayeen.

Dacwadda Dadkan loo haysto ayaa la xidhiidha Dilal isdaba joog ah ka dhacayey Deegaamada Buqdhada iyo Seemaal oo ay muran dhinaca deegaanka ahi ugu dhaxeeyey laba Beelood oo halkaas wada Dega, waxana  Dacwaddani iftiiminaysaa Tuhun Hore looga qabay dad masuuliyiin ah oo kiiskaa lala xidhiidhinayey.

Source: wargeyska Foore

 

Somalidiasporanews.com

Hargeysa Office.

 

Comments are closed