Eedaysanayaal loo Maxkamadaynayo Weerarkii Xaruntii West Gate ee Magaalada Nairobi
Nairobi 04.Nov 2013 (SDN)- Maxkamadeynta afar nin oo lagu eedeynayo in ay ku lug lahaayeen weerarkii ka dhacay xarunta Westgate bishii September ayaa maanta ka billaabatay magaalada Nairobi.
Afarta tuhmane oo magacyadooda lagu sheegay Maxamed Axmed Cabdi, Liibaan Cabdullaahi, Aadan Ibraahim iyo Xuseen Xasan ayaa sidoo kale lagu eedeynayaa in ay gacan siiyeen urur argagixiso ah, ayna si sharci darro ah ku joogeen Kenya.
Eedeysanayaasha ayaa beeniyey dacwadda loo heysto, waxaana loo diiday in lagu sii daayo damiin, iyadoo saldhigga booliiska Kilimani lagu sii heyn doono muddo toddobaad ah si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Weerarkii Westgate oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab waxaa ku dhintay in ka badan 60 qof, tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen.
Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa horay u sheegtay in dad badan loo qabqabtay weerarka.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com