Edward Snowden:Waxaan ahay ruuxii shaaciyay in Dawlada Mareykanku Dhegeysato Isgaarsiinta,Nolosheydana Halis ayay ku jirtaa
Hong Kong June 10,2013(SDN)-Nin ka mida shaqaalaha hay’ada Mareykanka u qaabilsan amniga ee NSA oo la yidhaahdo Edward Snowden ayaa saxaafada isugu soo bandhigay in uu yahay ruuxa shaaciyay qorshe dawlada Mareykanku ku dhegeysaneysay mudaba Isgaarsiinta.
Qorshahan oo dhawaan ay baahisaysay jariirada The Guardian ayaa waxa ay muwaadiniinta Mareykanka iyo ururada u dooda xuquuqda xafidaada Xogaha shacabka ku noqotay qaadan waa.
Shaacinta dabadeed ayaa ay dawlada Mareykanku shaacisay in ay baaritaan ku sameyneyso cidii ka danbeysay in warbaahintu hesho jiritaanka qorshahan.
Hay’ada amniga u qaabilsan Mareykanka ee NSA ayaa sheegtay in ruuxa u gudbiyay jiritaanka qorshahani uu halis geliyay amniga qaranka.
Edward Snowden ayaa sheegay in dhawaan uu isaga baxsaday Mareykanka isla markaana uu naftiisa u baqanayo.
Edward waxa uu sheegay in NSAdu ay cagta saartay wado halis ah oo abuuri karta xukuumad axmaq ah oo ku tumata xuquuqda muwaadiniinta ayna sababtaa tahay ta uu u shaaciyay jiritaanka qorshaha dawladu kula wareegeyso xogaha isgaarsiinta.
Ninkan ayaa sheegay in mar uun uu geli doono gacanta ciidamada amaanka Mareykanka ama ayba dhici kareyso in la khaarejiyo.
Dawlada Mareykanka ayaan weli ka hadal soo shaac bixida ruuxa shaaciyay qorsha muranka siyaasadeed abuuray ee xogaha isgaarsiinta.
SDN- Hong Kong
contact@somalidiasporanews.com