|

Edogan oo sheegay in uu farogelinayo arinka Gaza

Ankara July 29, 2024(QJ) -Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii sheegay in laga yaabo in Turkiga uu faragelin ku sameeyo Israa’iil, si la mid ah falalkoodii hore ee Liibiya iyo Nagorno-Karabakh, inkastoo uusan faahfaahin gaar ah ka bixin nooca faragelintaas.

Erdogan, oo aad u dhaleeceeyay weerarka Israel ay ku hayso Qaza, ayaa hadalkan jeediyay mar uu ka hadlayay horumarka uu Turkigu ka sameeyay wax soo saarka difaaca. Isagoo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa, Erdogan ayaa tilmaamay in Turkiga uu faragelin karo colaadda Israa’iil iyo Gaza.

Waxa uu soo hadal qaaday colaadda Libya 2020, halkaas oo Turkigu uu taageeray dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay iyo hawlgalkii sannadkii hore markii xulafada Turkiga ee Asarbayjan ay la wareegeen gobolka Nagorno-Karabakh, isagoo soo jeediyay in Turkigu uu qaadi karo tallaabooyin la mid ah oo uu ku taageerayo Falastiiniyiinta, inkastoo aanu sii faahfaahin

Israa’iil ayaa iyaduna ka digtay in masiirkiisu uu la mid noqon karo madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, kaas oo lagu fuliyay dil deldelaad ahaa.

Comments are closed