|

Duyuurad aan duuliye wadin oo Xaradheere ku soo dhacday

Xaradheere Mar 07,2012(SDN)-Duyuurad nooca aan duuliye wadin ayaa la soo wariyay in ay shalay ku burburtay goob xeebta ah oo dhacda aaga degmada xarunta u noqotay Burcad badeeda Soomaalida ee Xaradheere ee gobolka Mudug.

Sida ay saxaafda u sheegeen dadka degaan Duyuurada aaney cidi wadin ayaa burburkeeda laga helay tiyoo badu soo tuftay.

Burburka duyuuradan ayaa ku soo beegmeysa xili la sheegay in markab kuwa dagaalka ah oo ay leedahay dawlada Mareykanku in uu ka soo ruqaansaday dhanka Suez Canal.

Burcad ayaa Xaradheere ku heysata tiro dad ah oo la socdey maraakiib dhawaan la afduubay iyo weriye Mareykana oo dhawaan isna lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo.

Dawlada Mareykanka ayaan weli ka hadal duyuuradan Burburtay iyo hawgalada ay ka wado gudaha Soomaaliya ee ay ku bartilmaansaneyso kooxaha xagjirka ah ee ay dagaalka kula jirto.

SDN-Xaradheere
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed