Duyuurad ku burburtay gegida Duyuuradaha San Fransisco
San Fransisco July 07,2013(SDN)-Duyuurad laga leeyahay dalka Konfurta Kuuriya oo la yidhaahdo Asiana ayaa ku burburtay Garoonka Duyuuradaha magaalada San Francisco ka dib kolkii ay qeybo ka mida duyuuradu dab qabsadeen.
Duyuurada oo xili ay cago dhiganeysay ay quwad yari soo wejahday ayaa inta danbe dhulka ku dhufatay ka dibna dhabahii ka baxday oo sidaa dab ku qabsaday.
Duulimaadka Duyuurada 214 oo ka soo kicintintay magaalada Shanghai isla markaana soo martay Seoul oo ku socotay San Francisco ayaa waxa la socday 291 ruux.
Ugu yaraan laba ruux ayaa geeriyooday halka 180 kalena ay dhaawac yihiin,waxaana jira ruux aan ilaa iyo haatn la garaneyn halka uu maray.
Ciidamada FBIda Mareykanka yaa sheegay in aaney muuqan cadeymo muujinaya in falkani ay argegixisado wax lug ah ku leedahay burburka duyuuradan.
Duyuuradan oo nooceedo yahay 777 ayaa caadiyan ah duyuurad isku haleyn wanaagsan iyo sumcad leh ayaan ilaa haatan la garan kareyn waxa burburkeeda sababay.
SDN-San Francisco
contact@somalidiasporanews.com