|

Duur Xulka Aqoon yahanka ee Hagrashada Xukuumadda ee Gobolka Gebilay Iyo Doodda Marag Fur ee Wasiiradda Gobolkaas ka soo Jeeda DAAWO

Gebilay, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)-  Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanka ah ee reer Somaliland iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa Madal ilyartu is qabatay oo ay shalay labadooduba khudbado ka jeediyeen isku waydaarsaday hadallo nuxur ahaan  ku dherernaa fulinta go;aammo ka soo baxay shir horumarineed oo labadooduba ka qayb galeen.

 

Labadan masuul oo shalay ka qayb galay xaflad ay xilka kula kala wareegeen isu duwihii hore ee wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley Dr. Ciise Sh. Muxumed Warsame iyo Isu Duwaha cusub ee wasaaraddaas loo magacaabay Dr. Jicmaale Daahir, kuwaas oo xafladda xil wareejintoodu ka dhacday xarunta gobolkaas ee Gabiley.

 

Ugu Horeyn Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan oo halkaas ka hadlay ayaa isaga oo ku hal qabsanaya Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Md. Yuusuf Garas, waxa uu yidhi “Wasiir maadaama dawladdii dhexe aad ka joogto, shirkii u horeeyay horumarinta ee degmada Arabsiyo aanu ku qabanayna aad afhayeenkayagii ahayd waxaanu rajaynaynaa in hawshaa aad adigu majaraha u qabato”. Sidaa ayuu Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan yidhi, waxaana uu intaa ku daray “Madaxweynaha maanta talada dalka haya isagoo mucaarid ah markii uu halkan (Gabiley) yimi, magac ayuu gobolka u sii bixiyay,  waxaan u malaynayaa in isagoo madaxweyne ah oo taladii haya inaanu inagala bakhaylayn, se qolada reer Gabiley weliba wasiirrada dawladda iyo weliba xildhibaannada baarlamaanka ku jira ayaanu is leenahay arrintaasi xaggooda wey ka liicsan tahay” ayuu yidhi Aqoonyahanku, Dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Yuusuf Cismaan Garas oo isna ka jawaabaya weedhihii duur xulka ahaa ee aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Kheyre madasha kaga tuuray ayaa yidhi “Xamse waa runtiisa oo wasiirrada gobolka ayay ahayd inay ka shaqeeyaan, anagay ahayd inaanu ka shaqayno, manay ahayn in badan inaanu ku daawano gobolka. Wasiirrada gobolka waan la kaftamaayoo waxan ku idhaahdaa wasiir Shucayb iyo qaar kale, markay danaha gobolku dawladda dhexe yimaadaan aynu u dhan-naano oo yaanay noqon cid gaara uun haddii kale wasiirro gaara uun bay ku ekaan, markaa waxan odhan karaa taas leftigooda kala maqnaanshiyaha ay wasiirrada leftigoodii ay kala maqan yihiin ay tahay, waayo had iyo jeer waa gobolka keliya ee wasiirradiisu aanay si dhamaystiran iskula socon” ayuu yidhi wasiir Yuusuf Cismaan garas.

 

Comments are closed