|

Duur-joogta Somaliland Oo Dabar-go’ Qarka U  Saaran Iyo Beero Lagu Xannaaneeyo Oo Dalka Laga Hirgelinayo

Hargeysa, June 29, 2015 (SDN/QJ) –Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Axmed Maxamed Nuur, ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay hay’ado caalami ah iyo Waddamo reer Yurub oo iskaashanayaa kaga caawinayaan Somaliland tira-koobka Duurjoogta ku dhaqan dalka isla markaana goobo dalka ka tirsan lagaga hirgelinayo beero lagu xannaaneeyo duurjoogta.

HARIMACADWasiir ku-xgeenka oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Himilo iyo Telefishanka Kalsan, waxa uu sheegay in Beero lagu xannaaneeyo Duur-joogta kala duwan laga hirgelin doono Caasimadda Hargeysa iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tari doonaan duurjoogta sii dabar-go’ayso.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu Waraysigan kaga hadlay Kooxo hubaysan oo dhawaan ay cabasho ka muujiyeen dadka ku dhaqan Deegaanka Cobosha oo ka tirsan degmada Go’da way nee gobolka Saaxil, kuwaasoo ku cawday inay kooxo hubaysani faro-baas ku hayaan Duur-joogta Deegaannadaas, waxaanu sheegay inay jiraan Kooxo Carbeed oo dalka ku sugani culays ku hayaan Ugaadha dalka iyagoo adeegsanaya dad reer Somaliland ah, waxaanu ka digay in cid Somaliland u dhalatay cid Ajaanib ah ku caawiso inay si sharci-darro ah ugu fududayso Duur-joogta waddanka.

Waxa jira qorshayaal lagu taageerayo Somaliland oo lagaga samaynayo Beero si gaar ah loogu xannaaneeyo Duur-joogta noocyadeedada kala duwan, waxaa dalka yimi dhawaan Weftiyo ka socda dalka Talyaaniga ah iyo waddamo kale iyo Hay’ado caalami, kuwaasoo noo ballan-qaaday inay Beero Xawayaanka lagu dhaqo innooga samaynayaan Caasimadda Hargeysa iyo weliba gobollada kale ee dalka qaarkood. Waxay Khoboradaasi ka yimi dalalka Talyaaniga iyo Tanzania, naga caawinayaan inay tiro-koob noogu sameeyaan Duur-joogta ku dhaqan Somaliland, si aan u kala ogaanno noocyada sii dabar-go’aya ee Beeritaanka u baahan iyo kuwa weli dalkeennu uu qaniga ku sii yahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo horumarinta Somaliland.

Axmed Maxamed Nuur waxa uu intaas ku ladhay; “Dhibaatadu waxay tahay Dadka Carabta ah ee imanaya dalka oo isku dayaya iyagoo dawo ka dayaya iyagoo aamminsan inay dawooyin ka helayaan oo qalanaya Garannuugta, Bayracda, Juglayda iyo kuwo kale, waana mabnooc arrintaasi, waxaanan uga digaynaa horena ugaga dignay dadka Ajaanebka ah iyo dadka reer Somaliland ee hor-yaacaya ee iyagu sharci-darrada u samaynaya. Warbixinta ay noo keeneen Khuborada Talyaaniga ka yimi inay Duur-joog fiican weli dalkeenna ku dhaqan tahay oo uu noocyo badan qani ku yahay.”

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Wax oggolaansho ah oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu bixisaa oo Duur-joogta lagu guranayaa haba-yaraatee ma jirto, cid kale oo bixin karta oo aan Wasaaraddan ahaynina ma jirto. Afar Digreeto ayuu Madaxweynaha Somaliland soo saaray oo Wasaaraddan Deegaanka ku saabsan, wuxu soo saaray Digreetadii badbaadinta Deegaanka, Digreetadii joojinta Xaalufinta Deegaanka, Digreetada ilaalinta Duur-joogta, mabnoocidda Ugaadhsiga Sharci-darrada ah. Markaa, ma jirto cid oggolaansho loo siiyey Duur-joog, waayo Duur-joogtu waxay ka mid tahay Khayraadka dalka, midka dabar-go’aya iyo midda dalka ku badan ma kala garan karaan dadku. Sharci uba oggol in cid oggolaansho Ugaadh loo siiyaana maba jiro oo weli ma lihin.”

Wasaarado badan baa nala shaqeeya, Wasaaradda Duulista Hawada ayaa ka mid ah, waxa jiray Shimbiro Galaydh iyo kuwo qurux badan isugu jiray oo Madaarka Hargeysa lagu qabtay oo ay nagu soo wareejiyeen Maamulka Madaarku oo aan anigu gacantayda ku soo qaaday, markaa dalka in Ugaadh laga dhoofiyo iyo in cidi ka ugaadhsataba waa Sharci-darro, waa Tahriibin , waa Xaalufin, cid oggolaan kartaana ma jirto, Wasaaraddu cid ay u oggolaatayna ma jirto. Cid qori u qaadan karta, cid dili karta Ugaadha iyo Cid Tahriibin kartaana ma jirto, waana digniin, ciddii lagu qabtana waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo Sharci ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka Axmed Maxamed Nuur.

Mar uu ka jawaabayey inay jiraan Dad oggolaansho loo siiyey inay ka ugaadhsadaan dalka, waxa uu yidhi Wasiir Ku-xigeenku; “Warqad Wasaaradda laga saxeexay oo ay Wasiirku saxeexday, ama aan anigu saxeexay ama uu Agaasimaha Wasaaraddu saxeexay, haba yaraatee ma jirto, cid oggolaansho wax loo siiyey-na ma jirto ee waa been iyo tahriibin, waanan ka hawlgalnaa, wax la aqbali karana maaha. Tallaabada laga qaadayaa waa Xadhig iyo Ganaax ku siman hadba inta Maxkamaddu ay go’aamiso.”

Mar uu ka jawaabayey Sharci loo samaynayey maamulka Duur-joogta oo Golayaasha Baarlamaanka hor-yaallay halka uu marayo ama ku dambeeyey, waxa uu yidhi; “Hawshaas Sharciga waa lagu jiraa, Golaha Wakiillada wuu ka soo dhammaaday, Golaha Guurtida ayuu hor-yaallaa, dhawaanna inuu dhammaado ayaannu rejaynaynaa Insha ALLAAH. Laakiin, Wasaaraddu waxay leedahay awood ay ku maamusho hawlahaas.”

Inuu jiro qorshe ama Xeerar ku-meel-gaadh ah oo inta Sharcigaasi soo baxayo heshiis lagama maarmaan ah haddii la helo ay Wasaarad ahaan ku geli karaan oo cid ugu oggolaan karaan Ugaadhsida Duur-joogta dalka, waxa uu Wasiir Ku-xigeenku yidhi; “Wax heshiis ah oo la bixin karaa ma jiro, oo ay Wasaaraddu cid siinaysaa, ninna yuu ku talo-gelin, waayo? Hadda haddii aannu nidhaahno waxaasaa la siinayaa sharciyan waxa laga yaabaa inay xadhigga goosato. Laakiin, sharciyan ma jirto cid loo oggolaan karaa in heshiis lagu siiyo ugaadhsiga duur-joogta.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Axmed Maxamed Nuur oo ka jawaabayey su’aan aan ka weydiinnay haddiiba loo baahda in Ugaadh cid la siiyo ama laga iibiyo inta sharcigu soo baxayo ka hor, tallaabada la qaadayo, waxa uu yidhi; “Waxay noqonaysaa muddo kooban, Sharcigii hadda gacantaa lagu hayaa inta uu soo baxayo si ku-meel-gaadh ah Wasaaraddaa uga masuul ah markasta Duur-joogta iyo deegaanka, markaa inta uu sharcigu soo baxayo waxba lama bixin karo, marka laga reebo waxay Madaxweynaha kala tashato Wasaaraddu. Waayo?”

Waxa uu Wasiir Ku-xigeenka oo jawaabta su’aashaas sii wataa intaas ku daray oo yidhi; “Dalka waxa ugu sarreeya Madaxweyna, metelan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland haddii loo yimaaddo oo ay u yimaaddaan dad la sharfayo waxa uu xaq u leeyahay Niman Musheekh ah, Niman culus oo la maamuusayo ama Xubno sare oo ka socda dal dalkeennu xidhiidh weyni ka dhexeeyo inuu Hadyad ahaan wax kooban oo Duur-joog ah ugu Sharfo oo ugu maamuuso, cid kale oo xaq u leh inay Xabbad Ugaadh ah bixiso ma jirto. Intaasina wax kooban oo cayiman oo noocyo ah oo ah noocaan tafiir-go’ayn oo nooca dalka ku badan ah ayuu bixin karaa Madaxweynuhu.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed