|

Duuliye Iloobay Waddista Diyaaradaha Oo Sababay Shil Diyaaradeed !

Choriham 09. March 2017 (SDN/QJ):- Duuliye Diyaaradeed ayaa iloobay sidii uu u wadi lahaa Diyaarad uu waday oo ahayd nooc ka mid ah noocyadii hore ee Diyaaradihii dagaalka la adeegsan jiray sanadadii Kontameeyadii Qarnigii hore, haddaba shilkan Diyaaradeed oo dhacay sanadkii 22kii bishii August ee sanadkii 2015kii, waxaanu ka dhacay Magaalada Choriham ee ku taala Koonfurta Dalkaasi Britain waxaanu shilkaasi sababay dhimasho ay ku geeriyoodeen 11 Ruux.

Laanta baadhitaanka Shilalka Diyaaradaha ee Dalkaasi Britain ayaa waxay xaqiijiyeen laba sano kadib ninkii Duuliyaha ka ahaa diyaradaasi oo magaciisa la yidhaahdo Andy Hill uu Diyaradaasi ku kaxeeyay Xawaare ka yar kii loo talo galay in lagu kaxeeyo, sidoo kalena si xad dhaaf ah ayuu ugu soo dhawaaday waxa aanay arrintaasi sababtay in diyaaradu ku dhacdo Dhulka isla markaana uu ka dhasho Shilkaa sababa dhimashada 11 ka Ruux, sida lagu soo bandhigay Wargeyska Daily Mail.

Comments are closed