|

Duulimaadydii Garoonka Aadan Cadde oo Hakad ku yimid iyo Sababta ka dambeysa oo la ogaaday

Muqdisho 09. October 2016 (SDN/QJ):-Duulimaadyadii Diyaaradaha ka duuli jiray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo Shalay hakad ku yimid, kadib markii Shirkadaha Diyaaradaha ay sameeyeen shaqo joojin.

 

garoonka-aadan-caddeShirkadaha Diyaaradaha u kala duula gudaha iyo Dibadda ayaa sameeyay shaqo joojin cabasho ah kadib markii lagu amray shirakadaha in lacagta tikidka ay ku daraan lacag dheeri ah oo laga qaadayo rakaabka safraya.

 

Waxa ay diideen Shirkadaha Diyaaradaha in ay qaataan amarka ku aadan in 10-dollar oo dheeraad ah ku daraan lacagta lagu jarto tikitka, waxa ayna sheegeen in dhib ku qabeen 20-dollar oo canshuur ah ay horey ugu soo rogtay Wasaarada Maaliyada.

 

Shirkadaha Diyaardahaa gudaha dalka u kala duula ayaa iyana qeyb ka ah shaqo joojinta ay sameeyeen Shirkadaha Diyaaradaha ka howlagal garoonka Aadan Cadde, waxaana Diyaaradaha gudaha lagu soo rogay in iyana 10-dollar oo dheeraad ah ay ku daraan tikitka.

 

Shaqo joojinta ay sameeyeen maanta Shirkadaha diyaaradaha ka howlaga garoonka Aadan Cadde ayaa saameyn ku yeelatay howlihii duulimaadka ee garoonka, waxaana garoonka ku xayirnaa saakay rakaab badan oo isku diyaarinayay in ay ka dhoofaan.

 

Rakaabka ka dhoofa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa horey dhib ugu qabay lacago dheeraad ah oo qaabab kala duwan loogu soo rogay, waxaana lacagahaasi kamid ah Shirkada Sahal oo dadka basas uga qaada agagaarka KM-4 iyadoona qofkii ka qaada lacag dhan 11-dollar.

Comments are closed