Duulimaadyadii Shirkadda Caalamiga ah ee Turkish Airways ee Muqdisho oo Qaraxii Daallo Kadib Loo soo Wareejinayo Dhanka Magaaladda Hargaysa.
Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):–Shirkadda Caalamiga ah ee Diyaaradaha Turksih Airline ayaa la filayaa in ay duulimaad cusub markii ugu horaysay ka bilawdo somaliland.
Diyaaradda Turkish Airline ayaa badelaysa duulimaadkeedii Muqdisho ay ku tagi jirtay kadib Qaraxii Diyaaradda Daallo lagu Qarxiyay Garoonka muqdisho markay ka duushay .
Saraakiil ka Tirsan Qunsuliyada Turkiga ee magalada Hargeysa oo warbaahintu la xidhiidhay ayaa si kooban u sheegay in ay il gaar ah ku hayaan garoomadda Diyaaraddaha ee Hargeysa Iyo Berbera in ay Duulimaadkoodii muqdisho u soo wareejiyaan,garoomadaasi oo ay sheegeen in ay yihiin garoomo ay suganyihiin amaankoodou marka loo eego ka muqdisho.
Waxa ay intaasi ku dareen in ka hor taasi u baahantahay in ay booqdaan khubaro ka socota Turkish Airline garoomadaasi si ay u eegaan isla markaasina u baahantay in ay dawladda somaliland la xidhiidhan oo heshiisyo imanayaan oo anay Berbera iyo Hargeysa kaga shaqayn karayn midkii ay muqdisho ku joogeen.
Diyaaradda Turkish Airline ayaa iyadu ka hor intii aanuu qaraxii Daallo dhicin muqdisho ka wareegtay oo dalka Jabuuti fadhiisatay iyada oo wararku sheegeen in xogta Qaraxa ay sirdoonka Turkigu gaadhsiiyeen,isla markaasina rakaabkii u muqdisho u diratay Daallo oo ahaa rakaabkii ay siday markii shilku dhacay,waxaanay hada shaqadeedii ka wadataa dalka Jabuuti.
Isku soo wada duub hadii ay bilawdo duulimaadkeeda somaliland waxa ay ka mid noqonaysaa diyaaraddo dhawr ah oo caalami ah oo hada si toos ah uga duula garoomada Hargeysa Iyo Berbera,diyaaradahaasi oo ay ka mid yihiin Ethiopia Airline,Dubai Fly.
Hargaysa SDN/QJ