Duulimaadyadii Garoonka Muqdisho Oo Joogsaday Kadib Daadad Xooggan Oo Gudaha Garoonka Galay
Muqdisho:April,16,2015(SDN/QJ)-Daad xoog leh oo ka Dhashay Roobab Xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho, ayaa sababay in la joojiyo diyaaradihii duulimaadyada ka samayn jirey Garoonka Aadan Cadde International Airport.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Xaaladda garoonku, waxa la Hakiyey Duulimaadyo tiro badan oo saaka ka qorshaysnaa Garoonka, kuwaas oo iskugu jirey qaar imanayey iyo kuwa kale oo ka baxayey.
Roobka ayaa saameyn ku yeeshay Termanalka garoonka iyo guud ahaan qeybaha garoonka uu ka koobanay yahay, waxana biyo Badani Gudaha u galeen Garoonka, gaar ahaan qaybo ay diyaaraduhu duulimaadka ka maraan.
Sidoo kale biyo badan oo daad ah ayaa ku soo rogmaday garoonka, islamarkaana saameyn ku yeeshay dhabihii diyaaradaha ay kusoo dagi lahaayeen, taasi oo keentay in duulimaadka uu hakad galo.
Waa Markii ugu horraysay ee shaqada garoonka Muqdisho loo hakiyo daadad gudaha soo galay, waxana arrintaasi loo arkaa dhaliil ku timi qaab-dhismeedka Garoonka oo lacago badan la geliyey.
Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada, ayaan arrintan wax jawaab ah kasoo saarin, waxana si weyn wax ugu qoraysa Warbaahinta kala duwan ee Dalka oo Arrintaas qaadaa dhigaysa.
SDN.QJ
Contact@somalidiasporanews.com