Duulimaadyada Mareykanka tegaya oo shuruuc cusub lagu soo rogay,mobilda bakhtiisan oon la ogoleyn
Washington July 08,2014(SDN/QJ)- Ciidamada dalka Mareykanka eek a hawlgala garoomada duyuuradaha u goosha dalkaas ayaashuruuc cusub ku soo rogay qalabka electroniga ah ee ay sitaan dadka rakaabka ah.
Goaankan oo iminka uun la shaaciyay Ayaan rakaabka u ogolaan doonin in ay duyuuradaha la raacaan moblida iyo computerada fudud ee dadku qaataan hadii ay bakhtiisan yihiuin.
Mareykanka ayaa sheegay in uu jiro walaacyo la xiriira in qalabkaasi loo isticmaali karo in qaraxyo lagu fuliyo.
Ilaalada duulimaadyada ayaa si gaar ah u baaraya mobilada ay sameeyaan shirkada Apple (iphone) and Samsang (Galaxsy).
Baaritaanada ayaa si gaaar ah loola beegsanayaa duulimaadyada Mareykanka ku fool leh eek a socdaali doona qaaradaha Yurub, Africa iyo Asia.
SDN/QJ-Washington