Duul Culimo Qastay: Wadaado Dadka Khalkhal Galiyey Markii ay Jihada Loo Tukado ku sheegeen mid Khalad ah iyo Dadkii oo laba Meelood u kala Tukaday!!
Gaalkacayo 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya oo ah magaalo siyaasad ahaan kala qaybsan, dhibaatooyinkii dagaalada sokeeye gayaysiiyeen waxa u raacaya kooxo wadaado ah oo dadka deegaankaasi khalkhal weyn galiyey kuwaasi oo falkii ugu layaab badnaa toddobaadkan ka gaystay kadib markii ay masaajidda qaar kaga khudbeeyeen in jihada ay waligeedba dadka magaaladaasi u tukan jirtay khalad tahay loona baahan yahay in ay dhinac kale oo ay iyagu u tilmaameen kabcadu sax ku tahay jihadeedu taas oo keentay in dadkii magaaladaasi ku noolaa laba qaybood u qabsamaan.
Dadweynaha ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa walaac weyn ka muujiyey markii ay culimada magaaladaasi gaar ahaan daanta Galmudug isku khilaafeen jihada saxda ah ee ay ka xigto Qibladu ee loo tukado iyada oo qaar ka mid ah culimadaasi diideen oo waxba kama jiraan ku tilmaameen jihadii marka hore dadka deegaankaasi degani u tukan jireen boqollaalka sano iyaga oo sheegay in ay khalad ahayd oo aanay sax ahayn jihadaasi ay u tukan jireen taasi oo keentay in culimo kalena ka hor yimaaddaan aragtida kooxahaasi hore, taasi oo keentay in dadkii in badan oo ka mid ahina kala raacdo labadaasi qolo oo qoloba dhinac u tukato illaa ugu dambayn dad goob mawlac ah oo yar ku wada tukanayay warbaahintu aragtay iyaga oo laba dhinac u kala tukanaya oo u kala jihaystay.
Qaar ka mid ah culimadii hore ee magaalada Gaalkacyo oo ka hor yimid aragtida wadaadada dambe oo warbaahinta kula hadlay magaaladaasi ayaa sheegay in dadka magaalada ku nool ay ugu baaqayaan in aanay dhagaysan kooxaha aragtida cusub keenay ee qiblada loo jeedsan jiray khaladka ku sheegay. “Walaalayaal waxa aan aad uga xunnahay qolooyinka jiheeyaha cusub sita ee maalmahan umadda khalkhalka galiyey ee lahaa jihada loo tukadaa sax maaha. Waan uga digaynaa kuwaasi umadda waxaanan leenahay walaalayaal umadda jaha-wareerka ka daaya. Umaddani kumanaan sano ayay sidan u soo tukanayeen waxan aad keenteena waa khalkhal gelin” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah culimadii shirka jaraa’id qabatay ee khilaafka umadda uga digaysay.
Dhinaca kale qaar ka mid ah culimada magaaladaasi oo ahaa iyagu kuwa shacabka u sheegay in jihada masaajidda qaar u dhisan yihiin ay baal marsan tahay jihada saxda ah ee kabcadu ka xigto magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca Koonfureed ee Galmudug oo qisadan yaabka badani ka dhacday ayaa sheegay in markii ay dib u eegis ku sameeyeen arrinkaasi ay u caddaatay in dadku sidan ay u tukadaan khalad tahay sidaa darteed jiho kale oo ay u sheegeen in qibladu ka xigto loo tukado taasi oo dad badani soo dhaweeyey una tukadeen dhinacaasi cusub halka inta badan shacabkii aad uga qayliyeen arrinkaa culimadaasi soo gudbisay.
Waxa xusid mudan in aragtidan cusub ay la yimaaddeen qaar ka mid ah cilimada yaryar ee cusub halka culimadii hore aad u diideen arrinkaasi yaabka badan.