|

DURUUSTA LAGA BARTO SOONKA

Soonku wuxuu ka mid yahay 5ta arkaanul islaamka , waa rukun ka mid ah rukumada islaamka.

Soonku waa (cayn fardh) ku waajib kof kasta oo muslim ah, oo qaan dhaadha , oo miyir qaba , oo kari waraaya ( dib ugu noqo shuruudaha soonka ) .

Soonka waxaa laga soomaa cuntada – cabitaanka iyo wax kasta oo soonka kaa jebinaaya ( carab iyo cagba ) .

Hadaba haddii qofkii muslimka ahaa uu kari karay in uu ka soomo (cuntadii + cabitaankii) oo ah wixii uu ku noolaa ee aanu la ‘ aantood noolaan karaynin , hadaba miyaanu kari karayn inuu wanaagaa uu bartay halkaa ka sii wado iyo dhaqamadii wanaag sanaa ee uu duruusta ku qaatay bishan ramadaan ee barakaysan .

Soonka waxa loogu talo galay inaad naftaada ku carbiso oo dhaqaman aan islaamiga ahayn aad ku reebto .

Soonku waa deris (course ) sanadkiiba bisha ramadaan ku soo maraaya , si aad horumar uga gaadho dhinaca akhlaaqda suuban .

akhlaaqdaa islaamiga ah ee wanaagsan ee (course -ka ) u gashay waa inaad ku sii dhaqantaa .

Dhaqan kasta oo xun oo aad bishan ramadaan aad iska deysay waa inaanay noloshaada dib ugu soo noqon .

Imtixaanka bishan haddii aad ku guulaysato waa inaad u dyaar garawdaa ka sanadka danbe , si aad haddii eebbe ka dhigo aad halkaa duruus cusub u qaadato .

Hadaba waxaad iswaydiisaa : maxaad dhaqankaaga ka bedeshay ramadaantii ina soo dhaaftay ilaa ramadaantan aanu iminka ku jirno ?

Maxaad se doonaysaa in aad dhaqankaaga ka bedesho ramadaantan aynu iminka ku jirno , ilaa iyo ramadaanta danbe haddii eebbe ina gaadhsiiyo ?

Hadaba waxaad ogaataa soonku bisha ramadaan waxa weeye deris aad iskaga dayn karto , dhaqan (akhlaaq) kasta oo xun oo aad lahayd .

Soonku maaha inaad cuntada iyo cabitaanka oo qudha ka af-xidhnaato , ee soonku waxa weeye duruus aad xaaraanta oo dhan aad iskaga dayn karto .

Bal qof kastaw adigu dhaqankaaga iyo akhlaaqdaada miisaan oo qiimee ?

BAL QOF KASTAW ADIGU IS-WAYDII MAXAA AKHLAAQDAADA IYO DHAQAN KAAGA KA XUN EE AAD KU BEDELI LAHAYD BISHAN BARAKAYSAN ?

QOFKA MUSLIMKA AH , WAXA U ASTAAN AH EE UU KU FAANI KARAA ,

WAA AKHLAAQDIISA ISLAAMIGA AH EE SUUBBAN ?

WAA DHAQANKIISA WANAAGSAN EE ISLAAMIGA AH ?

BAL HADABA ADIGI QOF MUSLIM AH OO NOOCEEYA AYAAD TAHAY ?

DIINTU WAA AKHLAAQ .

HADABA MAXAAD DOONAYSAA INAAD SOONKA KA BARATO . IL-LAYN SOONKU WAA DURUUS E ?

RAMADAAN KARIIM WA KULLA CAAM WA ANTUM BIKHAYR WA CAAFIYA .

CALI MAXAMED BIIXI

caliwwelli@hotmail.co.uk

Comments are closed