|

Duqeyn lagu laaya Shabaab faro badan

Muqdisho June 17, 2024 (QJ)-Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo caalami ah ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo cirka ah ka fuliyay deegaano dhaca xadka gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Duqeynta ayaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab, waxaana sidoo kale duqeynta lagu gubay gaadiid dagaal.

C/nuur Yuusuf Qadaaye oo ah Taliyaha Ururka 86-aad ee Ururka 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 28 ka mid ah dagaalyahannada Al Shabaab ay ku dileen weerarka, isagoo sidoo kale tilmaamay in tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana uu intaa ku daray. Dhaawaca Al Shabaab ayaa loo qaaday Cowsweyne.

Diyaaradaha dagaalka ee taageera ciidamada xoogga dalka ayaa fuliya weeraro dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsado Al Shabaab, waxaana weeraradaasi mararka qaar ay geystaan ​​khasaarooyin xoogan oo soo gaara Al Shabaab.

Comments are closed