|

Duqeymo Ka soconaya Deegaano Hoos taga Degmada Diin-soor

Diinsoor,21july,2015(QJ/SDN)-Wararka laga helayo Degaano hoostaga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay Duqeeyeen  Deegaano ay ku sugnaayeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Diyaaradaha ayaa la soo warinayaa in ay Duqeeyeen Degaano dhawr ah oo u dhaw Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,halkaa oo ay ku wajahan yihiin Ciidamada Huwantaa,waxaana Duqeyntaan ay qeyb ka tahay Howlgalka ka socda Gobolada Baay iyo Gedo.

Guddoomiyaha  Goof gaduud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Duqeynta ay ka dhacday Buuraha Dalwaay oo ku yaala Bariga  Degmada Diinsoor iyo Dhulka Hawdka ah ee Degmada Diinsoor.

Ma jirto wax Khasaaro ah oo laga og yahay Duqeynta Ciidamada AMISOM ay ka Fuliyeen Gobolka Baay,Isgaarsiinta Degaanadaa oo Adag Awgeed.

 

Comments are closed