Duqaymo Diyaaradaha Kenya U Geysteen Shacab Xoolo-Dhaqato ah Oo Ku Sugan Gudaha Somalia
Beled-xaawo:Nov,25,2014(SDN/QJ)-Kadib Xasuuqii ay Kooxaha Shabaabku Sabtidii ina dhaaftay ka Fuliyeen Gudaha dalka Kenya, ayaa waxa Militeriga Kenya ay qaadeen Weerarro jawaab ah, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen Shacab Xoolo dhaqato ah, kuwaas oo ku dhaqan Deegaanada ku Dhaqan Xuduudda Dalalka somalia iyo Kenya.
Gudoomiyaha degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo Yuusuf Kaanti ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka kenya ay si saf mareen ah u duqeeyeen tuulooyin xadka ku dhow oo ay ku laayeen dad iyo xoolo.
“Duqeynta waxay dhacday shalay iyo dorraad , waxayna ciidamada Kenya madaafiic ku garaaceen deegaano ka tirsan Beledxaawo oo ay ku noolaayeen dad reer Miyi ah, waxaa ku dhintay ilaa laba qof, xoolo badana waa ku baaba’een”ayuu yidhi Yuusuf Kaanti.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen deegaanka Gadoon-Dhawe ay ku dileen ilaa labaatan dagaalyahano, sidoo kale ay duqeeyeen xero Al-Shabaab ay ku laheyd xuduuda.
Madaxweyne kuxigeenka Kenya Wiliam Ruto ayaa sheegay in boqol ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ku dileen duqeyn, waxaana uu xusay inay ugu aar-gudayeen dadkii ay ku laayeen Mandhera.
Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyay sheegashada Kenya ee ku saabsan duqeynta, waxaana uu xusay inay nabad ku soo laabteen dagaalyahanadii fuliyay howl galkii ka dhacay Mandhera, waxaana uu beeniyay hadalka Kenya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com