|

Duqaymihii Isbahaysiga Maraykanka ee Suuriya oo Hakad Geliyey Cutubyo ka tirsan Kooxda Daacish oo u Soo Gudbay Xuduuda Suuriya

Dimishiq 31. August 2017 (SDN/QJ):- Weeraro dhanka cirka ah oo ay qaadeen Ciidamada isbaahaysiga caalamiga ah ee Maraykanku hogaamiyo ee ka dagaalamaya suuriya iyo ciraaq ayaa hakad geliyey socodkii ay cutubyo ka tirsan ciidamada ururka daacish ugu soo gudbayeen dhanka dalka suuriya, ka dib guuldaradii ka soo gaadhay dagaalkii ay kaga jireen gudaha dalka Lubnaan.

 

Afhayeenka  ciidamada isbaahaysiga Kornayl Ryan Dylon ayaa waxa uu sheegay  in joojinta ay ku sameeyeen kolonyada ciidamadii daacish ee ku soo wajahnaa bariga dalka suuriya ay ahayd arin ku timid qaab kediso ah, isla markaana ay ciidamada isbaahaysigu dumiyeen biriij halkaa ku yaallay.

 

Boqolaal ka tirsan ciidamada dawlada islaamiga ah ee daacish ayaa ka soo talaabay xuduuda dalka Lubnaan ka dib markii  ay goobihii ay ka dagaalamayeen ee gudaha Lubnaan kaga baxeen heshiis xukuumada wadankaasi la gashay oo u ogolaanayey inay daacish  si nabadgelyo ah ugaga baxaan ciidda dalka Lubnaan una ambabaxaan deegaanada bariga suuriya oo ay kooxdaasi gacanta ku hayaan.

Comments are closed