|

Duqay Iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Taleex oo ka Cawday Saamiga Gobolkooda ee dawlada

Hargeysa, 13 Dec 2014 (Ogaal)- Madax-dhaqmeedka, Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Faarax Cali ee Nuur Axmed eek u dhaqan deegaanka Taleex, ayaa sheegay inay ka cabanayaan xumayn ay kula kacday xidhiidh u dhaxeeyay xukuumadda Somaliland iyo beeshooda, isla markaana waxay tilmaameen in Maayirkii waday xidhiidhka beeshooda laga eryay xilkii oo aanay aqbalayn cid kale.

Wakiil Caaqil Cabdiqaadir Abyan (Koore), Oday Maxamuud Faarax Nuur, Oday Bashiir Maxamed Cabdi, Oday Cabdirisaaq Axmed Yuusuf, Oday Cabdi Salaan Siigaale, Oday Maxamed Faarax Nuur Oday Cali Maxamuud Cartan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cali Shire, Oday Ismaaciil Maxamed Cabdi iyo Cali Maxamuud Jaamaca Dhug oo ka mid ah guddida beesha, waxaanay cabashadoodu u dhignayd sidan:- “Waxaanu nahay guddiga beesha faarax Cali ee Nuur Axmed ee deegaanka Taleex, markaa Beesha iyo maamulka Somaliland xidhiidh ayaa hore noogu furmay. Magaalada Taleex Gobol ayaa laga dhigay la yidhaahdo Xaysimo, markaa magaaladu waxay u bahan tahay maamul iyo shaqaalo ka shaqeeya.Jaamac Ciise Shaacuur wuxuu ahaa Maayirka hore loogu soo magacaabay Taleex, balse xilkii Taleex waa laga qaaday. Xidhiidhkii ka dhaxeeyay Somaliland iyo anaga wuu go’ayaa markaa anagu waxaanu ka digaynaa arrintaas, mana suurta gali karto in maamul aanu wax ku lahayn Somaliland ka shaqayn Karin Taleex. Haddii Ninkii ka shaqaynayey Xidhiidhka Beesha Faarax Cali ee Taleex iyo xukuumadda Somaliland meesha ka baxo, anagana waa nala waa yayaa, waana beesha ugu balaadhan deegaanka Taleex, markaa waxaanu leenahay soo celiya maayirkii hore haddii aad doonaysaan in Somaliland ka shaqayso Taleex. Beesha waxa degan qabiil Nuur Axmed ee tiro ahaan qabiilka ugu badan, Waxaana maamulka Somaliland naga joogay nin maayir ah, isagiina waa la eryay, wuxuuna waday xidhiidhka Taleex iyo Somaliland, waxaana la moodaa in xidhiidhkii faarax Cali in la xumaynayo. Kii Dadka Soo Jiidayey ee u dhaxayn lahaa qabiilka faarax Cali u dhaxayn lahaa Somaliland waxa nalagu yidhi waa laga qaaday meeshii, Markaa anaga Somaliland waxba nama waydiin karto.”

Comments are closed