|

Duqa Muqdisho oo si adag uga Jawaabay hadalkii kasoo yeedhay Dr Nuur Faarax Jimcaale

Muqdisho, 23 August, 2016-(SDN/QJ): – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa si adag uga jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale, oo dhawaan sharci daro ku tilmaamay Kaarka aqonssiga ay bixneyso Dowlada Hoose.

 

Maayarka MuqdishoDuqa Muqdisho ayaa sheegay in Kaarka Aqoonsiga ay bixineyso Dowlada Hoose ay tahay mid sharci ah, waxa uuna tilmaamay in qaadashada kaarkaasi ay kamid tahay Dowladnimada iyo waxyaabaha lagu garto.

 

Waxa uu si adag carabka ugu dhuftay Duqa magaalada Muqdisho in aysan jirin cid sharciga kaligeed meel ku xiran karta, waxa uuna tilmaamay in sharciga lawada garanayo uuna sharci yahay kaarka aqoonsiga ayna tahay mid u taala Dowlada Hoose.

” Dowladnimada ayuu kamid yahay in la qaato Kaarka aqoonsiga Dowlada hoose, ma jirto cid sharciga kaligeed meel ku xiran karta, Kaarka Minishiibiyo waa lawada yaqaan waa mid sharci ah” AYuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.

 

Hanti dhowaraha Guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale, oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa sharci daro ku tilmaamay Kaarka aqoonsiga ay bixineyso Dowlada Hoose, waxa uuna xusay Hanti Dhooraha in dadka Muqdisho aysan wada awoodin in ay bixiyaan lacagta Kaarkan lagu qaadan karo.

 

Taliska Nabad Sugida iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan amar ku siiyay shacabka magaalada Muqdisho in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Dowlada Hoose, waxaana cid kasta oo dooneysa in kaarkan qaadato laga doonayaan in ay bixiso lacag dhan 17-Dollar.

Comments are closed