Duqa Caasimada Hargeysa oo shir la yeeshay saraakiil ka socday Hayada DRC
Hargeysa (dhh/qurbejoog.com)- Maayarka Caasimada Hargeysa ayaa maanta shir la yeeshay saraakiil ka socday Ha’yada DRC (Danish Refugees Council) , shirkaasi oo lagaga hadlayo sidii qurba jooga loogu abuuri lahaa Mashaariic iyo Shaqooyin dalka gudihiisa ayaa maanta lagu qabtay xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa.
iyadoo ujeedada Kulankaasi ahaa Sidii Loogu Dhiirin lahaa Qurbo Jooga dalka Denmark inay dalka dib ugu soo noqdaan isla markaana ay maalgashi ugu samayn lahaayeen.
Sidoo kale waxaa ku talagalka Mashaariicdaasi ka Faaiidaysan Doona,qoysaska noloshoodu sida weyn ugu xidhnayd dadka qurbo- jooga ah & sidii ay uga maarmi lahaayeen Dhaqaalaha ay dadkaasi Dibada ka sugaan.
Saraakiishaasi waxay sheegeen inay dawladaha Hoose ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kala shaqayn doonaan mashaariic kala duwan oo dhaqaale abuur loogu samaynayo qoysaska lacagaha dibada looga soo diro.
Geesta kala Enj. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu isla maanta Xafiiskiisa kula shiray Gudiga Basasleyada Caasimada Hargeysa, taas oo uu kala hadlay Mashruuc lagu Hagaajinayo Bilicda istaamada Basaska ee Caasimada Hargeysa oo dhawaan la hirgalin doono Mashruucaasi oo ay Maalgalinayso Hay’ada Maraykanka ee USAID.
XASAN MAXAMED CABDILAAHI
HARGEISA