|

“ Dunidu Wey Ogtahay In ay 10 Bilood U Hadheen Cimrigii Xukuumadda”Guddoomiye Cirro

 

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI c/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa ka haddlay sidda uu arko guddiga uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ictiraaf raadin Somaliland iyo qaabka loogu darey masuul ka trsan Xisbiga WADDANI,waxaanu tilaamay Md Cirro in aan laga talogelin Xisbiga iyo masuul katirsan Xisbigaa oo lagu daray guddigaasi.

cirroWaxa kale oo guddoomiye cirro sheegay in loo baahnaa in mar hore la magacaabo guddidaasi,balse hadda uu caalamku ogyahay in xukuumadda KULMIYE uu wakhtigeedii sii gabaabsi yahay“Wey la raagtay marka hore mabda’iyan waan qabnaa,in baahid guddigaasi hore u jirtey haddana jirto,waxaanu ka xunahay curfibaa jira wadda shaqayn la yidhaahdo ay ku wada shaqeeyaan axsaabta iyo xukuumaddu haddii cid lagaga darayo xisbi guddi waa in xisbiga loo soo sheegaa,oo uu xisbigu cid soo magacaabaa,waxaan ka xumahay marka hore in aan xisbiga waxba la soo ogaysiin, qoraal loo keenay xataa ninka lagu qoray aan loo soo sheeginee uu ka maqlay war-baahinta.mabda’iyan angu waanu waafqasanahay in guddigaa la sameeyo,inkastoo aan isleeyhay wakhtigeedii aad ayuu uga daahay,” Ayuu yidhi C/raxmaan Cirro

 

Dhinaca kalena guddoomiye Cirro ayaa sheegay in ay beesha caalamka ogtahay in cimrigii xukuumadda KULMIYE ay ka hadhsantahay muddo yari,isla markaana uu gabaabsi ku dhawyahay,balse wuxuu sheegay inuu hambalyeynayo wixii ay qabtaan guddidaasi“Waxay ila tahay dunidu wey ogtahay inay 10 bilood u hadheen cimrigii xukuumadda,markaa dee wixii ay shaqo qabtaan waanu ku boggaadinaynaa,lakiin wey ogtahay dunidu in maanta cimrigii xukuumadda Somaliland uu gabaabsi yahay,

Comments are closed