Dunida Oo Safaf Dhaadheer Ugu Jirta Iibsiga Buug Shaaca Ka Qaaday Cidda Soo Ridday Diyaaraddii Malesia Laga Lahaa Oo La Daabacay
Melbourne:July,07,2014(SDN/QJ)-Waxa Bulshada Caalamku Safaf dhaadheer ugu jirtaa Iibsiga Buugii ugu horreeyey ee wax ka ifitiimiya cidda loo tirinayo Diyaaraddii laga lahaa Dalka Maleeshiya ee Dhawaan la waayey.
Buuggan ayaa shaaca ka qaaday in Diyaaradaas ay soo rideen Ciidamo Tababar qaadanayey, kuwaas oo Gantaal ay ganeen ku dhuftay xilli ay duulimaad ku jirtey.
Buuggan oo la yidhaahdo, Flight MH370 The Mystery (Duulmimaadkii 370: Hal-xidhaalihii), waxaa qoray Nigel Cawthorne oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa ku doodaya in si badheedh ah shilkaas loo qariyey si loo ilaaliyo sumcadda dalalka ciidamadoodu tababarka samaynayeen.
Wargeyska Sun Herald ee ka soo baxa dalka Australia ayaa sheegay in qoraaga buuggani uu xogtan ka soo xiganayo ilo aanu magacaabeyn oo u xaqiijiyey in si badheedh ah dalalka ay arrintani khusaysay ay u baahiyeen warar majaro habaabin ah si raadinta diyaaradda ay ugu jiheeyaan deegaan aan ahayn kii ay ku soo dhacday ee runta ahaa.
Nin uu buuggani soo xiganayo oo uu ku magacaabay Mickey MacKay una dhashay dalka New Zealand ayaa sheegay in isaga oo riig kuwa shidaalka laga qodo ah oo ay leedahay shirkad baatrool oo uu u shaqaynayey goob ku taalla Gacanka Thailand uu 8dii bishii March arkay diyaarad gubanaysa, waana isla maalintii la waayey diyaaraddan.
Qoraaga buuggu waxa uu isku xidhayaa aragtida ninkan fuushanaa riigga aadka u dheer iyo isla taariikhdaas 8-da March oo uu deegaankaas ka socday dhoolla tus milateri oo ay samaynayeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Thailand, kaas oo la og yahay in qaybo ka mid ah ay ciidamadu adeegsanayeen rasaas nool.
Cothron waxa uu buuggiisan ku yidhi, “Haddii ay run tahay in diyaaraddaas ay ku dhacday rasaastii noolayd ee ciidamada dhoolla-tuska samaynayaa ridayeen, in ay arrintaas ka aamusaan waa wax aad macquul u ah”.
Qoraaga oo hoosta ka xariiqaya in taas ay sii xoojinayso tuhunkan, weliba ay u dhowdahay in sanduuqaas haddiiba la sheego in la soo helayna uu yahay sanduuq been abuur ah oo aan ahayn kii runta ahaa ee diyaaradda.
Buuggan oo soo baxay in ka yar 11 toddobaad kadib markii la waayey diyaaraddaas nooceedu ahaa Boeing 777 oo sidday 239 qof oo rakaab ah.
Inkasta oo ay weli socdaan baadhitaannada lagu raad goobayo burburka diyaaraddan oo ay dowlado badani iska kaashanayaan qalab badan oo casriyana la isticmaalay, haddana illaa imika waxba laguma helin baadhitaannadaas oo xooggoodu ku jihaysnaa koonfurta badweynta Hindiya, arrintaas ayaanu Cawthorne oo hore u qoray in ka badan 150 uu u arkaa in ay tahay wax aan suurtogal ahayn.
SDN/QJ