|

Dunida Caddaaladda Taqaanna Oo Si Weyn u Dhaleecaysay Xukunkii Lagu Riday Madaxweyne Mursi

Ca’ira:June,17,2015(SDN/QJ)-Waxa soo kordhaysa Dhaleecaynta Bulshada Caalamku dusha ka saarayso Xukun maalintii shalay Maxkamd ku taalla Waddanka Masar ay ku ridday Madaxweynihii hore ee Dalkaas Afgembiga lagag tuuray Maxamed Mursi xukun dil ah.

mursiMaraykanka oo ugu horreeya Dalalka Dhaleecaynta Jeediyey, ayaa ku tilmaamey  xukunkaas mid ay si qoto dheer uga wel-welsan tahay isla markaana ay ka danbeyso siyaasadi.

Madaxwweynaha Turkiga Erdogan ayaa si adag uga hadley waxaana uu ku tilmaamey dhankiisa Xasuuq loo geystey sharciga iyo xuquuqda asaasiga ah.

Erdogan ayaa beesha caalamka ugu baaqey in lagu cadaadiyo Xukuumadda Masar ay ka noqoto xukunka dilka ah, isaga oo ugu yeedhay Xukuumadda Masar midii inqilaabka.

Hoggaamiyaasha ka gilgishey arxandarada ka socota Masar waxaa kamid ah Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaana uu sheegey in Qaramada Midoobey dhamaanba ka soo horjeedo xukunada caynkaas oo kale ah.

Madaxweynihii xukunka Milterigu ka tuureen Maxamed Mursi, sanadkii 2013, ayaa lagu soo oogey denbiyo kor u dhaafaya 16, mar waxaa lagu xukumey 20 sano, kadib waxaa lagu xukumey dil, waxaa maalintii shalay maxkamaddi aydkeysey dilka lagu xukumey isla amrkaana lagu heley Jaajuusnimo.

Dhamaan hoggaamiyaashii Xisbiga Ikhaanul Muslimiin ayaa tacdiibkan wada maraya waxaana lagu wada xukumey dil iyo xabsi daa’in.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed