Dunga oo Loo Magaacabey Tababaraha Xulka Brazil & Real Madrid oo Dul Dhigtey $121M Rodriguez James.(By Jaahuur)
Brazil-23-July-2014-(SDN-QJ)-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku falaqeyneynaa Brazil oo u soo habro wacatey Dunga inuu tababare u noqdo xulka Brazil markii uu jab iyo hoog ka raacdey 7-1 gool xulka Germany uga badiyey koobkii aduunka ee carigooda lagu qabtey,wuxuuna bedeley tababarihii iscasiley (Luiz Felipe Scolari) iyo xiddigga reer Colombia oo ku soo biiret Real Madrid (Rodriguez James) kuna soo iibsatey $121M.
Haddaba akhyaartay haddii aynu ku horeyno tababaraha cusub ee Brazil (Carlos Caetano Bledorn Veeri) laguna neynaaso (Dunga) wuxuu ku dhadhey magaalada (Rio Grande do Sul) 31-Oct-1963.
Dunga wuxuu ku guuleystey koobka kubadda cagta ee aduunka lagu qabtey carigaa Mareykanka sannadkii 1994-tii ahaana kabtankii(Captain) xulka Brazil ee wakhtigaa.
Tababarahan ayaan ku cusbeyn xulka Brazil wuxuuna tababarey sanadihii 2006 ilaa iyo 2010 kana qeybgaley koobkii aduunka ee lagu qabtey South Africa kuna hadheen quarter final-ka.
Haddaba Dunga mar labaadka la soo magacaabey wax ma ku soo kordhin doonaa?dhinaca kala waxaa xusid mudan dadweynaha reer Brazil ayaa 75% waxay ka dhawaajiyeen inuuna waxba soo kordhineynin.
Mar arintan ka soo yeedhey shacabka ciyaaraha jecel ee reer Brazil wuxuu ku jawaabey waxaan qancin doonaa marka aan la imaado horumar iyo ciyaartii looga bartey Brazil.
Naadiga Real Madrid ayaa soo xareysatey xiddigga reer Colombiya(Rodriguez Jemes) ee wacdaraha ka dhigey koobkii aduunka ee lagu qabtey Brazil ku soo iibsateyna lacag faraha laga gubtey dhana $121 Million waxayna ka soo iibsadeen naadiga Monaco ee carigaa Fransiiska.
23- jirkan ayaa ku guuleystey kabaha dahabka ama (Golden Boot) markii uu dhalyey 6-gool koobkii aduunka ee bal aynu aragno wuxuu ku soo kordhiyo Real Madrid.
W/qorey Jaahuur
SDN
jjaahuur@hotmail.com