|

Dumuqraadiyada Madaxweyne Siilaanyo, ama Tayda Noqotay Ama Ku Burburiyey. by Dacar

Dumuqraadiyadu waa hab ama nidaam leh dhaqan hufan, kala dambayn, anshax iyo
asluub ay ku dheehan tahay is-ixtiraam iyo kala danbayn, ismaqal iyo isu
tanaasul taas oo uu qofku ka soo hormarinaayo dantiisa gaarka ah ama doonistiisa
shiqsinimo, danta Xusbiga iyo tan Qaranka, si uu xasbigaasi ama qaranku u gaadho
ama u soo taabto Himilada gaarka ah ee uu Xusbi ama Qaranku Hiigsanayo, isla
markaana ay tusaale fiican u noqdaan,ama ay dhaxal u reebaan sooyaalka dhabta ah
ee ay ka dayan doonaan caruurteenu.

Run ahaantii waxa kaaf iyo kala dheeri ah, ama layaab leh sida aynu u jecelnahay
inaynu ku dhaqano Dumuqraadiyada iyo sida aynaan uba fahmin ku dhaqankeeda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku taami jirey Inuu Dalacsiinaayo Dumuqraadiyada iyo
Xoriyatul qawlka, Balse Taasi Waxa ay Noqotay mid uu ku Doonaayo Inuu Kursiga Ku
Fuulo oo Kaliya, Cabudhinta Saxaafada, iyo Xadhiga Boqor Buurmadow ayaa ka marag
Kacaya Sida uu Lidiga Ugu yahay Dumuqraadiyada Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa marka dawladiisa La dhaleeceeyo,waxa uu kula Kacaa
Cida Dhaleecaysa, dacaayad, deelqaaf, iyo Burburin, isaga oo madaxweynuhu ku
taamaaya in uu Burburiyo ama aan waxba ka hadhin Cidi ka Hortimaada Sida Xusbiga
UDHIS uu u burburiyey ama ina Cabdi Qadir uu u Ciqaabay, Siyaasada Madaxweynaha
ee Ku aadan Musuqmaasaqa iyo Xoriytaul qawlka ayaa ah, ( geed yahow hadii aan
xabag kaa helana kaa goostay hadii aan kaa waayana kaa tegey. ).

Miyaanayse layaab ahayn marka ficiladaasi ay ku dhaqmaan kuwa haysta jogooyinka
ugu sareeye ee Dawlada, ama xusbiga. iyada oo taasi muujinayso sida aanu
Siyaasada madaxweynahu aanay ugu Bislaan ama uba fahmin waxa ay tahay
dumuqraadiyadu aynu aad u caashaqnay ku dhaqankeeda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaanay Marnaba Ka dhab ahayn inuu Hore umariyo Somaliland,
Balse Doonaaya oo Keliya inuu Kursiga mar uun ku soo boodo oo layidhaahdo
Madaxweyne Siilaanyo.

Dumuqraadiyada Madaxweynaha Somaliland ama Tayda Noqotay Ama Ku Burburiyey.
Cabdi Qadir Jama Ismail Dacar USA Ca.
Political Science Educator.
Gobanimodoon@Sbcglobal.net

Comments are closed