|

Dulucda Ugu Weyn ee Shirka ku Saabsan Kobcinta Dhaqaalaha Somaliland Ka DAAWO QURBEJOOG.COM

Hargaysa 29.Jan 2014 (SDN)- Wasaaradda Qorshaynta  iyo Horumarinta Qaranka Somaliland iyo Baanka Aduunka ayaa maanta Shir balaadhan  ka furay Hotel Ambassador ee Magaaladda Hargeysa,Shirka waxaa lagu lafo gurayey siddii loo kobcin lahaa  dhaqaalaha Somaliland, loonana dagaalami lahaa  Sabool-nimada, Sixirbararka, iyo siddii loo saldhigi lahaa Siyaasadda Kharashaadka Miisaaniyadda.

Shirkaasi ayaa Wax lagu casuumay dad ka badan illaa 300 oo qof kuwaasi oo ka kala socday Wasaarada kala duwan ee Somaliland, hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadanig ah, Aqoonyahano madaxbaan, Ganacsato,  iyo ardayda jaamacadaha dalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed