Dugsiyada Gaarka ah oo Fadhataysi ba’an ku haya Macalimiinta ka hawl gala Dugsiyada Dawliga ah iyo Wasiirada Waxbarashda oo ku Mashquushay Shaqo ka duwan ta Wasaaradeeda
Burco 06.Dec 2013 (SDN) Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay soo xoogaysanayay in Dugsiyada gaarka ahi ay bililiqo baahsan ku hayaan Macalimiinta Xulka ah ee ka hawl gala Goobaha Waxbarasho ee dawladu maamusho,isla markaana ku baayacaya dhaqaale ka badan ka ay Xukuumadu siiso.
Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa ka soo yeedhaya Cabashooyin ay soo Jeedinayaan Waalidiinta iyo Ardayda Wax ka barata dugsiyada dawlada oo Qaylo dhaan u diraya Wasaarada Waxbarashda kana dalbanaya inay xal u hesho Sidii Iskuulada dawlada loogu nagayn lahaa Macalimiinta ka sii yaacaysa iyagoo eeganaya dhinaca dhaqaalaha .
Hooyo Canbaro Maxamed Xirsi ayaa sheegtay in afar caruur ahi u dhigtaan Dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Ibraahin iyadoo ka dardaarwerisay Mustaqbalka Waxbarasho ee ubadkeeda “Hooyo Caruurta aan dhalay oo afar ah aabahoodna uu dhintay waxay wax ka dhigtaan dugsigan, waa tii Wasaaradu joojisay fiigii ardayda oo runtii Culays nagu ahaa, balse waxaa dhawaanahaba soo kordhayay in Macalimiintii ay ka yaacaan waxaana kaxaysanaya kuwa privet -ka “gaarka loo leeyaha” oo dhaqaale badan ku bixinaya Macalimiinta tayada leh,waxaan ka Cabsi qabaa in Maalin dhow ay Caruurtaydu Waxbarashadoodu halkaas ugu dhamaato waayo way ka Mooraal jabeen,aniguna ma hayo adduun aan ku geeyo kuwa iskuulada gaarka ah”.
Sidoo kale Faarax Xuseen Qawdhan ayaa Sheegay in Wasaarada Waxbarashadu ay tahay mid aan lahayn wax qorshe ah oo ay arrintan ku maarayso “Walaahi arrintani waa la yaab maalinba macalinkii ka dhaqaaqayay dugsiyada ay dawladu maamusho ayaa Inamo kale u gacan haadinayaan waxaanan dareemi karaa in wakhti aan Fogayn ay Iskuulada dawladu noqon doonaan kuwo haawanaya,mana muuqato nidaam ay Wasaarada Waxbarashadu ku hagayso, Markaa waxaan idiin sheegayaa in Meeshii ay Caruurtaydu Waxbarasho ka helayso inaan gaynayno”.
Mid ka mid ah Kormeerayaasha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Gobolka Togdheer oo ka Gaabsaday inaan Magaciisa Shaacino ayaa noo Xaqiijiyay Jiritaanka arrintan “Ma ah Dugsigan oo Keliya ee waa mid ay ka siman yihiin dugsiyada Magaalada Buro anagu waxaanu ka samaynay Warbixino cadaynaya in Iskuuladaasi ay Xidhmi doonaan ayaan dhow hadii aan deg deg wax looga qaban iyadoo aanu u Gudbinay Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Togdheer oo isna dhanka Caasimada isu soo dhaafiyay waxaanu noo sheegay in ilaa iyo haatan oo laba bilood gaadhaysa aanu ka helin wax jawaab ah isla markaana uu dhawr jeer hargaysa u tagay go’aan ka gaadhista arrintan balse uu hungo kala soo noqday” ayuu Yidhi Kormeerahani.
Dhanka kale Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa Maalmahba ku Mashquulsanayd Shaqo ka baxsan ta lagu dhaliilayo iyadoo u tafo xaydatay sidii dib Shaqadiisa loogu celin lahaa Maareeyaha Dibad wareega ah ee Telefishanka Xukuumadu Maamusho kadib markii uu Wasiirka Warfaafintu Shaqadii ka Joojiyay isagoo hor istaagay Talaabo uu Wasiirku ku rabay inuu Xuquuqda Shaqaalaha ee Mushaharka iyo Gunooyinka isku sarjaro,Sidoo kalena uu Wasiirka Warfaafintu dalbaday in hanti dhawrka Guud ee Qaranku ay soo Gudo galaan Telefishanka Qaranka oo la sheegay in fadeexado Musuq Maasuq dul hoganayaan.
Burco SDN.
Qurbejoog.com