|

Dugsiga Qudhacdheer Ee Magaalada Hargeysa Oo Lagu Qabtay Xafladda Xidhitaanka Sannad Dugisyeedka 2014/2015

Dugsiga Hoose Dhexe ee Qudhacdheer oo ka mid ah dugsiyada dowladda ee ku yaala magalaada Hargeysa  ayaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay  u qabtay xidhitaanka sannad dugsiyeedka 2014/2015

Munsaasibad waxa ka soo qayb galay guddoonka waxbarashada gobalka maroodi jeex,maamulka iyo macaliimiinta, ardeyda wax ka barata dugisga, waalidiin iyo marti sharaf kale.

 

 

Ugu horreyn, waxa munaasibadda ka hadlay maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Qudhacdheer Jamaal Ow Cali Cilmi oo ka hadlay heerka wax barasho ee uu dugsigu marayo

Jamaal Ow Cali waxa uu hambalyo u diray ardeydii kaalmaha hore ka gashay sannad dugsiyeedka dhammaaday ee 2014/2015

Maamuluhu waxa uu waalidnta ku ammaanay xidhiidhka wanagaasan ee ay dugsiga la leeyihiin iyo sida wacan ee ay uga warqabaan ubadkooda waxaanu Jamaal waalidka ku booriyay inay sii laban laabaan wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin maamulka iyo macaliimiinta dugsiga

 

 

Waxa iyana munaasibidda ka hadashay  guddoomiyaha guddiga waalidinta ee dugsiga Qudhac-dheer  Layla Maxamuud Caydiid oo ku hadlaysay afka waalidiinta iyo kan gudigaba

Marwo Layla waxay hambalyo iyo bogaadin u jeedisay maamulka iyo macalimiinta dugsiga hoose dhexe ee Qudhacdheer sida wacan ee ay ubadka wax u baraan

 

guddoonka waxbarashada ee bariga gobalka Maroodi jeex Ismaaciil Cali Faarax oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardeyda kaalmaha hore ka gashay imtixaanadka, isagoo ardeyda ku gubaabiyay inay dedaalaan si ardeyda sannadkan kaalmaha hore ka hadhay ay iyana sannadka dambe kaalmaha hore u soo galaan

ugu dambeyn wax la guddoonsiyiiyay abaal marino kala gadisan ardeyda kaalmaha hore ka gashay imtixaanka sannad dugsiyeedka dhammaaday

Dugsiga ayaa safka hore kaga jira dugsiyada ugu ardeyda badan eek u yaala magaalada Hargeysa

Waxaana sannad kasta ka qalin jabiya boqolaal ardey oo u gudba dugsiyada sare

 

 

 

Comments are closed