|

Dufcadii 6aad ee ka qallinjabisa dugsiga xanaanada Xoolaha ee sheekh{STVS}. oo xaflad balaadhan looqabtey

Sheekh July 25,2012(SDN)-Dugsi Goboleedka Xanaanada Xoolaha ee degmada Sheekh ayaa maanta Xafladii Qalin-jibinta ee 6aad u sameeyey 29 arday oo ka qalinjabisay Dugsiga Culuumta Xanaanada Xoolaha ee Magaalada Sheekh, Xafladaas Qalin-Jibinta waxaa ka soo Qeyb-galay Masuuliyiinta Dawlada Somaliland, Urur Goboleedka IGAD, Masuliyinta Jaamacadaha Nayroobi
(Nairobi University) iyo Mekereri University oo ku taala wadanka Yugaandha, AU-IBAR, Xubno ka socday hayada Terra Nuova, Waalidiinta Ardayda iyo Marti-sharaf kale oo Badan.

Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr.Maxamuud Cagaeyne oo musaasibadaasi kahadley ayaa sheegey in dhamaan ardeydii kasoo baxdey dugsigani ay dawladu wada qaadatey oo ay hada kahawlgalaan dhamaan goobaha xoolaha lagu xanaaneeyo.

sidoo kalle Agaasimaha wasaarada waxbarashada somaliland oo munaasibadaasi kahadley ayaa umahadanqey dhamaan maamulka dugsiga waxaanu sheegey iney wada shaqeyn fiicani kadhaxeyso dugsiga waxaanyu uu hambalyeyey ardeyda qallinajbisey.

Badhasaabkuxigeenka Gobolka Saaxil oo munaasiabdaasi kahadley ayaa Ardeyda Hambalyeyy kana waramey faaidada cilmiga xanaanada xoolaha.

Maamulaha Dugsiga Xanaanada xoolaha ee STVS Mr Tomas oo halkaasi kahadley ayaa kasheekeeyey Marxaladihii kalla duwanaa ee uu soo marey dugsiga ay gacanta ku hayso urur goboleedka IGAD dhawaana Jaamacadda gobolka oo culuunta noocyadeeda kalla duwan lagu barto laga dhigi doono.

waxaa sidoo kalle munaasibadaasi kahadley Masuuliyiin kasocotey Jaamacadda Burco, Waalidiinta ardeyda qallinjabineysay iyo xubno kalle oo dhamaan hambalyeeyey Ardeyda iyo macalimiintii wax soo bartey.

waxaana gabogabadii shahaadooyin la gudoonsiiyey ardeydii qallinjabisey.

 

SDN-Sheekh

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed