Abu Dhabi:Tagsiile nin Soomaali ah u celiyay Lacago xad-dhaaf ah oo uu gaarigiisa uga tegay iyo abaal marinada uu helay tii ugu qiimaha badneyd
Abu Dhabi Nov 21,2013(SDN)-Nin Tagsiile ah oo magaalada Dubai ka shaqeeya ayaa dhawaan qaaday nin Soomaali ah oo gaarigiisa lacago xad-dhaaf ah uga tagay.
Nuur Calam ayaa caadi ay la noqotay shandaha iyo telephonada rakaabkiisu ku iloobaan tagsigiisa,balse Nin Soomalai ah oo u shaqeeya mid ka mida shirkadaha dawladeed ee dalkaas ayaa gaarigiisa ku iloobay lacag ku dhaw $25000.
Calam ayaa la hadlay shirkada Tagsiga uu wado una sheegay in uu ku sii jeedo saldhiga Booliska Al Shabica si uu u celiyo lacagtan uu gaarigiisa ka helay.
Calam oo ninka Soomaaliga ah ee lacagta gaarigiisa ku iloobay dhigay hotelka Millenium saacad uun ka hor ayaa suaalo cajiib a kala kulmay ciidamada Booliska.
“Boolisku waxa ay i weydiiyeen sababta aan lacagta u qaadan waayay,waxaanan ku iri maan sheqeysan,maxaan u qaadanayaa?”ayuu yiri Calam.
Ninkii Soomaaliga ahaa oo baadi goobaya lacagtiisii ayaa la hadlay shirkadii tagsiga,sidaana lacagtiisii dib ugu helay.
Abaal marinadii tagsiiliha uu helay ayaa waxa ka mid ahaa ninkii Soomaaliga ahaa oo siiyay $817,halka shirkadii tagsiga leheydna ay sii $275.
Balse Nuur Calam ayaa sheegay in abaalmarintii ugu wanaagsaneyd ay aheyd in inan yar oo uu dhalay oo sagaal jir ahi ay cid walba u sheegtay in aabaheed yahay nin wanaagsan oo daacad ah.
SDN-Abu Dhabi
contact@somalidiasporanews.com