|

Dubai: Maalqabeen U Dhashay Dalka Suuriya Oo Shil Baabuur Oo Uu Galay Ku Kaliftay Inuu Hantiidiisii Oo Dhan Ugu Deeqo Dad Bukaan Ah !

Dubai 06. April 2017 (SDN/QJ):- Maalqabeen u dhashay Dalka Suuriya oo la yidhaahdo Mazy Domato Da’diisuna tahay 38 jir ayaa waxa uu hantidiisii oo dhan ugu deeqay Dadka Xanuunsanaya iyo Masaakiinta si wax loogu taro, ninkan oo toddobaadkii ugu danbeeyay laga qoray warbixino tiro badan oo luuqado kala duwan kusoo baxay ayaa waxa la sheegay in markii hore uu ku noolaa nolol aad u heer saraysa, balse Shil baabuur oo uu ku galay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka ayey si toos ah u badashay noloshiisa oo dhan, kaasi oo Sabab u ahaa inuu hantidiisa oo dhan ka tanaasulo.

Maalqabeenka ayaa waxa uu wattay markii uu shilka galay Baabuurka loo yaqaano Ferrari oo uu qiimihiisu ahaa 150 kun oo Dollar, shilkaasina waxa uu sababay in la xidho hal Maalin, laakiin markii uu ka soo baxay jeelka waxa uu go’aansaday inuu ka baxo noloshii kibirka iyo Israafka badan uu ku gali jiray isla markaana uu hantidiisa ugu deeqo Dadka Bukaanka ah iyo Fuqarada in wax loogu taro, sida lagu soo bandhigay Shabakada wararka ee Al-arabiya oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Comments are closed