|

Dubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan Oo Diiday Qodobadii Laga sosaaray Shirkii Madasha wada-tashiga qaran DAAWO

Beledweyne 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dubabka dhaqanka Gobolka hiiraan ayaa sheegay in aanay qeyb ka aheyn hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee bisha October dhici doona, iyadoo cadeysay in aanay jirin cid ku matasha.

KULANKII-DUBABKA-DHAQANKA-10Dubabka Dhaqanka ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay ugu so horjedaan waxana ay meel fagaaro ah kala hadleen boqolaal dad ah oo iskugu yimid hoolka weyn ee xasan dhiif ,

Ugaas Xasan Ugaas khaliif oo kulanka ka hadlay , ayaa shegay in aysan jirin cid ku matasha Gobolka hiiraan oo ka qeyb galay shirka madasha wada tashiga ee dhawaan muqdisho lagu so gabagabeyay,

Shirkii Madasha wada-tashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed kaas oo ay dadbadan ka so horjeesteen.

Comments are closed