Dr Xaglo-Toosiye Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhoweeyey Buuhoodle
Buhoodle,16Aug,2015(QJ/SDN)- Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka wasaaradda
Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye si weyn loogu
soo dhoweeyey Magaalada Buuhoodle oo socdaal rasmi ahi uga
bilaabmay maanta oo axad ah.
dadweyne faro badan oo isugu jira qaybaha bulshada iyo maamulka
gobolka iyo degmada ayaa weftiga wasiirka kaga hor yimid deegaanka
kalshaale oo 35 Km dhanka W/Galbeed ka xiga Magaalada Buuhoodle.
Intaa ka dibna Wasiirka caafimaadka iyo weftigiisa waxaa loo gelbiyey
gudaha Magaalada iyagoo ku soo wareegay waddooyinka dhaadheer ee
magaaladaasi, ka dibna dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah.
Dr Saleebaan Ciise waxa uu xasuusiyey dadweynaha deegaankaasi in
qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid lama
taabtaan ah, cid kasta oo oo isku dayda inay waxyeelaysana tallaabo
laga qaadi doono, halka sido kalena wasiirku ugu bushaareeyey
dadweynaha Buuhoodle mashaariic horumarineed oo Xukuumada
Somaliland ka hirgelinayso Gobolkaasi.