|

Dr Tani iyo siyaasi Kaysar Cabdilahi oo ka waramaya saameynta ay siyaasadda cusub ee arrimaha dibeddu ku yeelan karto Bulshada Somaliland(DHEGEYSO)

Ottawa Mar 05,2012(SDN)-Dr Maxamuud Tani oo ka mid ahaa urukii UFO iyo siyaasi Kaysar Cabdilahi ayaa wadajir nooga waramay saameynta ay Siyaasada cusub ee arrimaha dibeddu ku yeelan karto Qadiyada madax banaanida Somaliland.

Dr Tani ayaa ka waramaya marxalaihii kal duwanaa ee ay soo martay qadiyada gooni isu taaga Somaliland iyo wixii ay kala kulmeen siyaasiyiinta qaar mar lagu tuhmay in ay dadka ku wadeen Soomaaliya.

Siyaasiga Kaysar Cabdilaahi ayaa dhankiisa ku dheeraaday ka hadalka guulaha ay soo hoysay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo khaasatan natiijadii shirkii London.

Labaduba waxa ay talooyin wax ku oola oo ku wejahan marxaladan cusub ee ay siyaasada Somaliland gashay u jeediyeen xukuumada iyo Shacabka reer Somaliland.

 

http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/tani.mp3

 

 

SDN-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed