|

Dr Mahiga oo la Macasalaameeyay,Odey Dhaqameedna loo Aqoonsaday

Muqdisho June 11,2013(SDN)-Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsanaa Dr Augustine Mahiga ayaa loo aqoonsaday isla markaana la macasaalaameeyay.

Xaflad uu goob-joog ku ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho lagu qabtay ayaa looga hadlay waxqabadkii Mahiga.

“Mahiga waxaan u aqaanaa saxiib gaara oo aan leeyahay,balse waa saaxiib Soomaaliya oo idil”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Mahiga waxa uu Soomaaliya ka soo saaray xili kala guur ahaa oo aad u adkaa,abaal ayaana uga heynaa”ayuu madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataahi yiri.

Mahiiga ayaa goobta lagu gudoonsiiyay dhar ay xirtaan Odey dhaqameedyada Soomaaliyeed,sidoo kale waxa la gudoonsiiyay Waran iyo Gaashaan.

Augustine Mahiga ayaa ahaa qoraagii Roadmapka isla markaana hagayay ka bixidii nidaamkii kmg.

SDN-Muqdisho

Comments are closed