Dr. Gaboose oo su’aalo culus oo garnaqsi ah u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Beeshiisa, muxuuse ka yidhi aragtidii ay ka qabeen 2010 iyo ta imika?
Burco 22, August 2012 (SDN)- Hoggaamiyaha urur-siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa su’aalo garnaqsi ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo beesha uu ka soo jeedo.
Dr. Gaboose waxa uu su’aal geliyay waxa bedelay aragtidii Madaxweyne Siilaanyo iyo beeshiisu ka qabeen markii uu 2010 ahaa guddoomiyaha ololihii doorashada Madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobollada Bari, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay iyo waxa isaga xaq loogu leeyahay.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha oo hoggaaminta ku yimi nidaamka codka shacabku xaqa u leeyihiin, waxa uu farta ku fiiqay waxyaabaha laga rabo iyo waxyaabaha ay tahay in lagu taageero. “Madaxweynuhu xaq waxa uu inoogu leeyahay wixii wanaagsan in aynu ku garabgalo, xaq waxa uu inoogu leeyahay marka uu wax wacan wado inamadeena ayuu ka mid yahaye, in aynu gacansiino, si uu taariikh fiican u samaysto, laakiin xaq waxaynu ugu leenahay hadduu taariikh madow isagu ku socdo in aynu ka celino, in aynu u nasteexayno oo aynu ka waanino,” ayuu yidhi Dr. Gaboose oo ka hadlayay munaasibad uu ururkiisu ku soo bandhigay 14 xubnood oo u sharaxan doorashada Deegaanka ee degmada Burco.
Mar uu ka hadlayay su’aalaha uu u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo iyo beesha uu ka dhashay, waxa uu ka hadlay xanaftii shaqsiyan 2010 ka soo martay markii uu isagu ahaa madaxii ololaha doorashada xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa gobollada Bari. “Waxaan xasuusin lahaa Madaxweynaha, maalintii ololaha doorashadiisa aan marayay Burco, Berbera iyo meel walba, waxa jiray kuwo necbaa inuu kursiga fuulo oo dhagax iyo dagaal ilaa Ceerigaabo xabadda la ii qaaday. Maalintaas waxaan ahaa nin ay adiga iyo reerka aad ka soo jeedaaba jecel yihiin, nin sharaf leh baan ahaa, nin wanaagsan baan ahaa, inankiinii baan ahaa, maantase maxaa is bedelay?, ma damac baa I galay baa dambi noqotay?,” ayuu garnaqsi qaab su’aalaysan u dhignaa Dr. Gaboose u jeediyay Madaxweynaha Somaliland oo uu intii xukuumaddiisani jirtay mar u ahaa wasiirkiisii Daakhiliga, ka hor intii aanu iska casilin badhtamihii sannadkii hore.
Qurbejoog.com, Burco