|

DR. Cabdi Aw-Daahir Wasiirkii Hore Ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo Magaalada Burco Si Kedis Ah Ugu Geeriyooday

Burco (QJ/SDN) – Alle naxariistii janno haka waraabiyee waxa saaka magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer ku geeriyooday Wasiir hore DR.Cabdi Aw-Daahir oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii soo maray Somaliland.

dr. cabdi aw daahir

Dr.Cabdi Aw-Daahir Alle naxariistii janno haka waraabiyee waxa uu ku geeriyooday goobtiisa shaqo isagoo ku guda jiray hawl-maalmeedkiisa, waxaana lasoo sheegayaa in uu ku dhacay mawtul-qafle.

Marxuum Cabdi Aw-Daahir ayaa ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda xanaannada xoolaha, isagoona markii danbe ahaa wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrrimaha bulshada ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kaddib inta aanu xilkaasi iska casilin.

Cabdi Aw-Daahir waxa uu muddooyinkii danbe ka tirsanaa garabka is-bahaysiga dimuqraadi doonta xisbiga Xukuumiga ah ee KULMIYE, Waxaana sidoo kale uu hadda Dr.Cabdi Aw-Daahir ka hawl-galaayay Xarun Caafimaad oo ku taalla magaalda Burco.

Innaa lilllaah wa innaa ileyhi Raajicuun. ALLE Ha U Naxariisto Marxuum Dr.Cabdi Aw-Daahir.

Comments are closed