|

Dowladda Hoose Ee Hargeysa, Waxtar Mise Wax-yeello Ujoog. Akhri+Sawirro.

Hargeysa,11Aug,2015(QJ/SDN)-Dhawaan ayay hayd markii dowladda hoose ee Magaalada Hargeysa ay bilowday olole ay sheegtay in ay ku bannaynayso waddooyinka xidhan ee qaar ka mid ah degmooyinka magaalada, wadooyinkaas oo ay horay u xidheen xashiish, dhir iyo waxyaabo kale oo aan deegaanka u wanaagsanayn.

100_3092

Haddaba ka dib markii ay dowladda Hoose bilowday ololahan ayaa dadweynaha magaaladu aad usoo dhaweeyeen, inkastoo aanu ololahani noqonin sidii la rabay iyo si ku dhow toona, balse waxaabay noqotay ka daroo dibi dhal.

100_3093

Degmada Maxamuud Haybe gaar ahaan xaafadda calaamadda Star Area, ayaa ka mid ahayd goobihii ololahaasi laga fuliyay,  iyadoo qashinkii iyo geedihii laga jaray waddooyinka ay cagafta dowladda hoose hor tuushay goobo muhiim ah, sida masaajidka ugu weyn xaafadda calaamadaha ee Daarul sacaada, misaajidkaasi oo ah kan ugu weyn Xaafadda ee lagu tukado maalinka jimcaha, misaajidka oo ah mid ay ku tukadaan shacab aad u tiro badan ayaa waxa afaafkiisa hore xidhay qashin ama xashiish u badan geedo laga soo jaray meelo kale oo la keenay masjidka hortiisa, waxaana is weydiin mudan meesha dadku ku tukan doonaan maalinka jimcaha oo aad loo soo buux dhaafiyo masjidka.

100_3094100_3097

Dhinaca kale guryaha qaar ayaa albaabadooda la hor tuulay dhagaxaan iyo qashin is wata, iyadoo bacdii dhulka hoostiisa ku aasnayd ay dowladdu xoolaha iyo dadkaba kor ugu soo saartay.

100_3105100_3106

Haddaba dowladda hoose oo aan markeedii horaba wax-qabad muuqda looga baran, ayaa inta badan dadkii shacabka ahaa waxay ku noqotay yaab iyo amakaag, halka dadka qaar ay ku odhanayaanba sidani ma wax qabad’baa mise waa waxyeelo?.

100_3107100_3108

Isku soo wada duuboo dowladda hoose ee Hargeysa ayaa tan iyo intii goloheeda degaanka la toortay aanay wax mashaariic ah ka fulin degmaddan gaar ahaan xaafaddan calaamadaha , iyadoo waxqabadkeedii koowaad uu noqday in qashinka la hor tuulo masaajida iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

100_3109100_3110

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed