Dowladda Uganda oo taageero dheeraad ah ka dalbatay Maraykanka
Kampala April 19 2013 (SDN)— Sida uu baahiyay wargeys-ka New Vision Col. Moses Ddiba Ssentongo oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada meletariga dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamada dowlada Uganda ay u baahan yihiin tababro dheeraad ah si ay kaga qeyb qaataan howlgalka ciidamadooda ay ka wadana dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay ciidamadaasi ay u baahan yihiin in tababar laga siiyo sida helitaan adeegyada aadanaha iyo tababar dheeraad ah oo lagu kobcinayo garaadkooda, sida uu hadalka u dhigay.
“Soomaaliya wax badan ayay ka baratay nabadda maanta dagaalkii ma ahan mid weyn oo qoryo iyo dagaalo culus ma jiraan,waana in bulshaada ay sameeyaan halka howlgalka ka dhacayo, waa inaan helnaa wadnaha iyo maskaxda shacabka waana waxa aan ugu bartilmaameydsanayno tababarkaan aan u baahanahay”ayuu Col. Moses Ddiba Ssentongo
tababarka la siiyo ciidamada Uganda waxaa gacan weyn ka geysto saraakiil American ah, waxaana sidoo kale la sheegay inay maal geliso dowlada Maraykanka iyo wadamo kale oo African ah.
Col. Moses Ddiba Ssentongo, wuxuu sheegay in sidoo kale ay u baahan yihiin in ciidamada dowladooda eek u sugan dalkaasi loo baahan yahay inay qaataan tababaro ku aadan badbaada rayidka inta lagu gudo jiro howlgalka.
Wuxuu dhanka kale sheegay sarkaalkaan in ciidamadaasi qaarkood loosoo daabulayo dalka Soomaaliya, halka qaarkoodna uu sheegay inay ku sugnaanayaan dalkaasi.
SDN-Kampala