|

Dowladda Uganda Oo Sheegtay Inay Soomaaliya U Dirayso Ciidamo Dhanka Cirka Ah

Kampala,,27Dec,2015(QJ/SDN)-Dowladda Uganda ayaa xustay inay waddo qorshe ay ciidammo dhinaca cirka ah ugu dirayso Somalia horraanta sannadka soo socda ee 2016-ka; si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan millateriga dalka Uganda ayaa xusay in qorshahan lagala shaqeen doono xukuumadda iyo Midowga Afrika oo mas’uuliyad ay ka saaran tahay howlgalka AMISOM ee Somalia oo dhul ballaadhan looga saaray Al-shabaab.

Dhanka kale, dowladda Uganda ayaa xustay inay qorshaha dhinaca cirka ay ku jiri doonto diyaaradaha shixnadaha qaada, kuwa qumaatiga u kaca & kuwa deg-dega si ay u taageraan ciidamada Midowga Afrika ee howlgallada ka wada Somalia, kuwaasoo ka kala socda dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Ugu dabmeyntii, xukuumadda Kampala ayaa waxaa Somalia kaga sugan tirada ugu badan ciidamada AMISOM ee hoostaga Midowga Afirka, kuwaasoo ka howl-gala gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

 

Comments are closed