Dowladda Turkiga Oo Soo Riday Diyaarad Hawadeeda Kusoo Xadgudubtay
Ankara,17Oct,2015(QJ/SDN)-Dowlada Turkiga ayaa dhulka soo dhigtay Diyaarada ku soo xadgudubtay Hawadeeda oo aan la garaneynin cida leh.
Warbixin qoraal ah oo ay soo saareen Saraakiisha Taliska Ciidamada Militeriga Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradaasi marka hore ay siiyeen digniino markii ay ka jawaabi weydayna digniinahaasina ay dhulka soo rideen, kadib markii ay khalkhal galisay amaanka dalkaasi.
Militeriga ayaa sheegay in nooca diyaarada ay aheyd mida la hago ee aan cidna wadin, waxa ayna sheegeen in Diyaaradaasi lagu soo riday meel 3KM u jirta xuduudda Turkiga iyo Syria.
Militeriga Turkiga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Diyaaradaasi loo soo adeegsaday Turkiga, balse inta aanay ujeedkeeda gaadhin ay Ciidamadu ka hortageen.
Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ay sheegtay in dhammaan diyaaradaheeda howlgallada ka wada Syria ay si nabad galyo leh ugu soo laabteen saldhigyadooda.
Wali lama cadeyn halka laga leeyahay Diyaaradaasi aan duuliyaha laheyn, waxaana loo badinayaa inay adeegsanayeen Dowladaha kasoo horjeeda Siyaasada Turkiga.