Dowladda Turkey-ga Oo Marakiib Dagaal Oo Hor Leh Sameysanaya, Iyadoo Horay U Heysatay 14 Markab Dagaal!!
Ankara 06. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Ankara ayaa qorsheyneysa in ay iyadu dhisato maraakiibta xanbaara diyaaradaha dagaalka ee meelaha fog fog wax ka duqeeya.
Rajab Dayib Erdogan madaxweynaha dalkaasi Turkey-ga ayaa waxaa uu sheegey in ay bilaabeen qorshihii ay uga maarmi lahaayeen caawimaada dhinaca difaaca ah ee dibada, isagoona intaa ku daray in ay dowladiisa dooneysa in ay gaarto isku filnaanshiyo.
“ 2023 wadankeygu waxaa uu ku taamayaa in uu gaaro isku filnaanshiyo dhinaca Amaanka iyo difaaca ah oo aan ka maarano dibada’ ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo hadlayey.
“howshan hadii aan 15kii sano ee hore soo qaban weyney doqonimo ayeey nagu tahay inaan hadda qaban weyno” ayuu sii raaciyey madaxweyne Erdogan oo wareysi siinayey mid kamid Ah wargeysyada ka soo baxa dalkaasi.
Turkey-ga ayaa iminka heysta 14 markab oo ah kuwa dagaalka iyagoona hadda qorsheynaya in 10 kale ay sanadaha soo socda sameystaan.
Ugu danbeyn Erdogan ayaa digniin u direy dowladaha awooda leh in ay isku dayaan joojinta howlaha hormarinta dhinaca difaaca ah ee ay dowladiisu dooneyso in ay qabato.