Dowladda Sweden oo Safiir Cusub u soo Magacaawday dalka Soomaaliya
Stockholm March 23 2013 (SDN)—  Warsaxaafadeed laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibadda Sweden ayaa waxaa lagu shaaciyay danjiraha cusub ee dalkaasi u fadinaya dalka Soomaaliya oo hada dowladda cusub ee hogaanka qabatay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Danjire Mikael Lindvall uu yahay safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Mikael Lindvall ayaa markii hore u shaqeynay qaab ah Wakiilka Sweden ee Soomaaliya, waxaana xafiiskiisa si KMG ah uu hada uga furanayaa Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Danjirahan Cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa ah Diplomasi shaqooyin badan soo qabtay waxaana uu ka soo shaqeeyay dalal ay kamid tahay Pakistan.
Dhanka kale Warsaxaafadeedka Wasaarada Arrimaha Dibadda Sweden waxaa lagu shaaciyay Danjirayaasha dalkaasi u fadhin doona dalalka Turkey iyo Estonia.
Xigasho:- Government Offices of Sweden