|

Dowladda Suuriya Oo Bilowday Inay Diiwaan Galiso Haween Kiristan Ah Oo La Dagaallama Daacish SAWIRRO

Dimishiq,14Dec,2015(QJ/SDN)-Dowlada Suuriya ee uu madaxweynaha u yahay Bishaar al-asad ee mucaaradka ku kacsan yahay ayaa bilowday diiwaan galinta Dumar aad u da’ yar kuwaasi oo heysta diinta Kirishtanka ah.

Dumarkaasi oo tababar ciidan loo furay ayaa waxa ay deegaan ahaan kasoo jeedan waqooyiga Suuriya waxaana loo yaqaana Female Protection.

Wargeys kasoo baxa dalka Britain oo arintaani ka faaloonayay ayaa sheegay in Haweenkaasi ay sharaf iyo Cisi u arkaan inay ka qeybqaatan la dagaalanka Kooxda Dowladda Islaamka ee Daacish.

Wargeysku waxa uu qoray in Haweenkani ay nolol cusub u gogol xaadhayaan Caruurtooda mustaqbalka hadana ay diyaar u yihiin sida ay ula dagaalami lahaayeen Daacish.

Hubka loo qeybiyay Dumarkaasi ayaa u badan qoriga loo yaqaan AK47 oo la aaminsan yahay inay isticmaali karaan una adkeysan karaan awoodiisa.

.








Comments are closed