|

Dowladda Sudan oo 5-milyan oo Yuuro ugu deeqday dowladda Soomaaliya

Khartoum May 13 2013 (SDN)— Jamhuuriyada Sudan ayaa shaacisay in ay ugu deeqday lacag gaareysa 5-milyan oo Yuuro dalka Soomaaaliya oo 22-sano dagaallo sokeeye ku soo jiray.

Cali Karti oo ah Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Sudan oo ku dhawaaqay dhaqaalaha ay ugu deeqeen Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaalahan ay ugu tala galeen in wax looga qabto dhibaatooyinka hada dalka ka jira.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumada Khartoum ay ka go’antahay garab istaagida shacbiga dhibaateysan ee Soomaaliyeed iyo dowladooda dhawrka bilood jirta.

Cali Karti ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay xaalada dalka Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya ay iska  badali doonto sida ay maanta tahay sida uu hadalka u dhigay.

Sudan ayaa kamid ah dalalka taageera Soomaaliya iyadoo sidoo kale Ciidamo badan u soo tababartay.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed